Maayarka Laascaanood oo ka Warbixiyay Mashaariic Sanadkan laga Fulinayo Magaaladda

0
848

Laascaanood (Dawan) — Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay dhawaan guddiga naqshadaynta dhulka ee wasaaradda hawlaha ay dawladda hoose ee Laascaanood kaga joojinayeen dhulka danta guud iyo beeraha.

Tallaabadaasi ayuu maayarku ku tilmaamay mid faa’iido u leh dawlad hoose ahaan, isla markaana meesha ka saaraysa dhulkii danta guud ee ay dadka shacabka ah diidi jireen marka laga jarayo.

Waxaanu guddiga naqshadaynta dhulka ku amaanay sidii wanaagsanayd ee ay uga shaqeeyeen barnaamijkii qorshaynta magaaladda Laascaanod.

Geesta kale C/casiis Taarwale, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiikiisa magaaladda Laascaanood waxa kaloo uu ka warbixiyay mashaariic kala duwan oo sanadkan laga fulinayo magaaladda.

Mashaariucdaasi oo lix ah ayuu maayarku sheegay in ay wax badan u soo kordhin doonaan arrimaha horumarinta ee magaaladda Laascaanood.

Waxaanu sheegay in aanay arrnta Saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanku caqabad ku noqon doorashootinka.
Dhinaca kale C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa baaq u diray bulshadda magaaladda Laascaanood.

Leave a Reply