Wasaaradda Gaadiidka oo gobolkii saddexaad ka furtay xarunta badqabka Baabuurta

0
661

Hargeysa(Dawan)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo masuuliyiinta gobolka Saaxil, ayaa xadhigga ka jaray xarunta hubinta badqabka gaadiidka oo laga hirgeliyey magaaladaasi, gaar ahaana dekedda Caalamiga ah ee Berbera meel u dhaw.

Xaruntan oo ka shaqayn doonta hubinta badqabka Baabuurta Dekedda ka soo degta iyo kuwa magaalada ka shaqeeya laftooda, nooceedana hore looga sameeyey magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood, qorshaha lagu aasaasayna salka ku hayo siyaasadda xukuumadda ee ku wajahan ilaalinta badqabka gaadiidka dalka lagu isticmaalo, ayaa waxa aasaasay shirkad la yidhaahdo Alpha BBG oo ku guulaysatay qandaraaska bixinta adeeggaas ee gobolka Saaxil.

Munaasibada daah-furka adeeggan oo lagu qabtay xaruntan shirkadda BBG, waxa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jiidadka, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaraddaasi, xubno kamida maamulka Gobolka Saaxil, ka degmada Berbera, Wakiillo ka socday shirkaddaha Baabuurta, masuuliyiin ka tirsan guddida xuquuqal-iinsaanka qaranka iyo marti-sharaf kale.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo kamida maamulka Shirkadda Alpha BBG oo ugu horayn xafladdaasi ka hadlay, ayaa ka waramay sooyaalkii aasaaska shirkaddan iyo adeegyada ay qaban doonto.
Waxa uu sheegay in adeeggan ay ku guulaysatay shirkaddiisu “horaantii sanadkii 2019 ayaa guddida qandaraasyada loogu tartamay bixinta adeeggan gobolada oo dhan. magaalada Berbera oo aanu maanta mashruuca ku daah-furayno waxa ku tartamay 11 shirkadood, waxaana ku guulaystay shirkadda BBG.

Markaa BBG, waxa ay ka shaqayn doontaa, badbaadada bulshadeena somaliland waxa ay ku xidhan tahay saddex shay. saddexdaa shay waxay kala yihiin in la helo darawal xirfad leh, in la helo waddo wanaagsan iyo in la helo gaadiid wanaagsan.”ayuu yidhi.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil Maxamuud Axmed Sandheere, Rooda Axmedyaasin oo kamida guddida Xuquuqal-iinsaanka Qaranka, Siyaasi Sheikh Saleeban oo kamida Ganacsatada gobolka Saaxil, Maayir ku-xigeenka Degmada Berbera iyo xubno kamida maamuleyaasha shirkaddaha gaadiidka oo xafladaasi hadallo ka jeediyey, ayaa tilmaamay in xaruntani ahmiyad weyn u leedahay xaqiijinta nabad-gelyada Baabuurta dalka lagu isticmaalayo oo naf iyo maalba khasaare joogto ah shilalkoodu sababaan.
Waxa ay suurtogelinta adeeggan ku bogaadiyeen Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo dejisay hindisaha iyo siyaasadda lagu hagayo adeeggan, isla markaana ku kormeeri doonta maalgashadeyaasha qandaraaska lagu siiyey keenista qalabka iyo aasaaska xarumaha.
“waxa kale oo adeeggani qofka gaadiidlaha ah u sahlayaa in aanu kharash kaga bixin in uu marba geerash tago oo uu iibsado alaab aanu u baahnayn iyo in uu ku kalsoonado gaadhiga uu wato”ayuu yidhi Badhasaab ku-xigeenka gobolka Saaxil Maxamuud Sandheere oo balanqaaday in ay maamul ahaan la shaqayn doonaan shirkaddan laga furay magaalo madaxda gobolka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cumar-sayid Cabdilaahi Aadan oo gebagebadii munaasibada ka hadlay, ayaa ku dheeraaday ujeedada ka dambeysa hirgelinta xarumaha hubinta badqabka gaadiidka iyo wasaarad ahaan wixii ku dhaliyey.
Waxa uu sheegay in markii la dersay sababta ay inta badan u dhacaan shilalka gaadiidku la ogaaday in tayo-xumida Baabuurta iyo sugnaan la’aanshiyaha xaaladoodu door weyn ku leedahay dhacdooyinka dhimashada iyo dhaqaale burburka joogtada ah ku haya bulshada Somaliland.
“Shilalka dalka ka dhacaa aad iyo aad ayey u badan yihiin, dad badan oo haldoor ah ayeynu ku waynay, sidaas darteed innagoo midaysan oo gacmaha is haysana waxa loo baahan yahay sidii loo yarayn lahaa shilalka waddanka ka dhacaya..
Barmaamujkan badqabka Baabuurta dadweynuhu waxa uu ina farayaa in aynu ku galno nidaamka caymiska gaadiidka. waxa uu ina farayaa in aynu gaadiidka u adeegsano sida caalamku u adeegsado, laakiinse haddii marka aynu siyaasaddaha fulinayno mucaaridad iyo ficiltan dhexgelino arrimahaasi inooma hirgelayaan”
Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa tusaale ka bixiyey mashaakilka hubin la’aanta gaadiidku leedahay iyo jawaabta uu adeeggani ka bixinayo caqabadahaasi. “Qofbaa laga yaabaa in uu gaadhi soo siisto lacag toban kun oo dollar ah oo uu dhowr sanno shaqaynayey, waxa aynu rabnaa in aanu qofkaasi gaadhiga iyo lacagtu iska raacin ee waxaynu u baahanahay in aynu hubino gaadhigaasi in uu badqabo, tayadiisa, lacagta lagu hubinayaana waa wax afartan doollarba ka yar”.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidku waxa uu intaasi ku daray in aanu adeeggani ahayn mid jujuub lagu samaynayo amma dadweynaha lagu khasbayo ee waa mid qof waliba u baahan yahay “gaadhiga waxaad ku qaadaysaa xaaskaagii, carruurtaadii amma dadkii aad jeclayd, sidaa darteed adigaa u baahan in aad dhowrkii biloodba mar hubiso xaalada Gaadhigaaga”ayuu mar kale yidhi Agaasimaha oo xusay in xarumahan laga hirgelin doono guud ahaan gobolada dalka oo dhan.

Ugu dambeyn gunnaanadkii xaflada waxa halkaasi lagu baadhay Baabuurtii u horaysay oo la hubiyey tayadooda iyo badqabka xaaladooda guud.

Leave a Reply