Sool: Shir Lagu Dhex Dhexaadinayo Laba Beelood Oo Lagu Qabanayo Saaxdheer

0
518
News

Saaxdheer (Dawan):Diyaar garawga shir nabadeed oo lagu dhexdhexaadinayo laba beelood oo hore shaqaaqo u dhexmartay ayaa ka socota deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool.

Beelahan gogosha nabadeed loo dhigay Saaxdheer ayaa hore shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac ay ugu dhexmartay deegaamadda Ceegaag iyo Horufadhi oo ka tirsan isla gobolka Sool.

 

Waxaana Khamiistii doraad Saaxdheer gaadhay badhasaabka Sool oo ay wehelinayeen xubno madax dhaqameed ah oo u gogol xaadhayay diyaarinta shirkaasi.

 

Iyadoo ay doraad beel ka mid ah beelaha la heshiisiinayo ku qabatay Saaxdheex ALLE bari loogu gogol xaadhayo beelaha walaalaha ah ee la dhexdhexaadinayo.

 

Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo caawa telefoonka ugu waramay Dawan,  isagoo ku joogay magaaladda Laascaanood ayaa sheegay in gogosha nabadaynta labadan beelood ay Saaxdheer ka furmi doonto laba todobaad kadib.

 

Hase yeeshee u jeedadda ay Khamiistii Saaxdheer u tegeen ay ahayd sidii ay maamul ahaan u diyaarin lahaayeen ciidamadii amniga shirka ilaalin lahaa.

Waxaanu yidhi, “Shalay (khamiistii) waxaan tagnay Saaxdheer, aniga iyo xubno madax dhaqameed ah oo ka baxnay magaaladda Laascaanood.

Halkaasoo beel ka mid ah beelaha la heshiisinayo ay ALLE bari ama duco lagu soo dhawaynayo Isimadda, loogu na gogol xaadhayo shirka nabadaynta ay ku qabatay.

 

Waxaana Saaxdheer ka soconaysa diyaar garowga shirka nabadaynta labadan beelood, oo kala ah Hagar iyo Hayaag.

 

Saaxdheer ayaana labada beelood la isugu keenayaa. Laba todobaad ka dib ayaanu shirka nabadayntu furmayaa.

 

Waxaanan la kulanay  dadka tuullooyinka iyo deegaamadaasi, oo aan kala hadlaynay  in ay u diyaar garoobaan, oo ay hawsha ka shaqeeyaan, oo ay soo dhaweeyaan, ergooyinka meesha isugu imanaya, sidii loo qaabili lahaa.

Ergooyin gaadhaya ilaa 200 ayaa shirka nabadaynta in ay yimaadaan la qorsheeyay”.

 

C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa kaloo uu sheegay in doorka xukuumadda Somaliland ee shirkaasi nabadaynta beelaha uu yahay in ay goob joog ka ahaato furitaankiisa iyo in ay nabadgeliyadda sugta inta shirku socdo.

Balse kaalinta ugu weyn iyo hogaaminta shirkaasi ay yeelanayaan madax dhaqameedku.

“Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland way u furaysaa uun shirkan nabadaynta beelaha.

Balse odayaasha dhaqanka ee reer Somaliland ayaa hawsha nabadaynta dhamaynaya.

 

Dusha ayaanay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland kala soconaysaa, oo ay ka ilaalinaysaa wixii nabadgeliyo ah.

 

Ciidamadda qaranka Somaliland ee nabadda ilaalinaya, waan gaynay meesha. Meel fiican ayaanay hawshu maraysaa” ayuu yidhi guddoomiyaha Sool.

 

Xubnaha madax dhaqameedka ah ee hogaaminaya shirkan nabadaynta labadan beelood ee walaalaha ah waxaa hogaaminaya garaadka guud ee beelaha Dhulbahante.

 

Sida uu sheegay badhasaabka gobolka Sool C/qani Jiidhe, waxaanu yidhi “Garaad guud ee beelaha Dhulbahante garaad Jaamac garaad Cali, ayaa hogaaminaya odayaasha dhaqanka ee shirkan nabadaynta beelaha wadda.

 

Iyadoo ay wehelinayaan xubno kaloo isugu jira Isimo, Garraado, cuqaal, salaadiin iyo odayaal kale”.

 

Dhinaca kale badhasaabka Sool waxa uu sheegay in labadan beelood ee la heshiisiinayo ay mid waliba ku qanacsan tahay gogoshan nabadeed ee lagu qabanayo Saaxdheer.

Waxaanu yidhi, “Beelahan oo kala dega deegaamadda Ceegaag iyo Horufadhi (Hagar iyo Hayaag), labaduba way ogol yihiin, waanay soo dhaweeyeen shirkan lagu dhex dhexaadinayo.
Waxaana loogu tallo galay in ay gogoshan nabadaynta beelaha yimaadaan ergooyin gaadhaya 200”.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply