Xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha oo ka dartay

0
591

Xidhiidhka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sii xumaanayey waayadan, iyadoo toddobaadkii horena ay xaaladdu cirka isku shareertey markii ay labada dalba xidheen qunsuliyadaha midba kan kale uu ku leeyahay magaalooyin ku kala yaalla Shiinaha iyo Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa amartay in Shiinaha uu xidho qunsuliyadda uu ku leeyahay magaalada Houston, ayada oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ay sheegtay in taas looga gol leeyahay in la ilaaliyo hantida aqooneed iyo xogta gaarka ah Mareykanka.

Beijing ayaa iyana dhankeeda ku jawaabtay inay amartay in la xidho qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Chengdu ee dalkaas.

Xiisaddan cusub waxa ay ku soo beegmeysaa sidoo kale xili la isku diyaarinayo doorashada madaxweynaha ee bisha November ee sannadkan ka dhaceysa Mareykanka.

Leave a Reply