Ciidanka Qaranka oo lagu Wareejiyey Dawooyin Iyo Qalab Caafimaad

0
562
Somaliland troops march past during a parade to mark the 22nd anniversary of Somaliland's self-declared independence from the larger Somalia, in Hargeisa May 18, 2013. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA - Tags: ANNIVERSARY POLITICS SOCIETY) - GM1E95I1IW201

Hargeysa (Dawan)-Maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco ayaa maanta si wada jir ah ugu wareejiyay abaanduulaha qaybta 12-aad ee ciidanka Qaranka Somaliland Dawooyin iyo qalab caafimaad.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa tilmaamay inay dawooyin, qalab, iyo dhallinyaro leh xirfadda caafimaadka oo si tabaruc ah ugu shaqayn doonta ay ku wareejiyeen abaanduulaha qaybta 12-aad ee ciidanka Qaranka Somaliland gaashaanle dhexe Kayd Cismaan Muxumed, si ay adeeg caafimaad uga fuliyaan jiidda hore ee ciidamada Qaranka Soomaliland ku sugan yihiin.

Duqa degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) ayaa sheegay in dhallinyaradaas caafimaadku ay yihiin dhakhaatiir u adeegta bulshadooda, kuna kalsoon yihiin adeeggan caafimaad ee ay u soo fulinayaan ciidanka qaranka ee ku sugan jiidda hore ee Somaliland.

Abaanduulaha qaybta 12-aad ee ciidanka Qaranka Somaliland gaashaanle dhexe Kayd Cismaan Muxumed ayaa soo dhaweeyay dawooyinka, qalabkaas iyo dhallinyaradaas dhakhaatiirta ah ee ay ku wareejiyeen maamulka gobolka iyo ka degmada.

Geesta kale, taliyayaasha ciidamada Booliska iyo Asluubta ee gobolka Togdheer ayaa bogaadiyay agabkaas caafimaad ee mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo ka degmadu ay ku wareejiyeen ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply