“Baahidoodda waxaa nagaga weyn in aanu ka taxadirno waxyeeladda xanuunku”…

0
531

Mandheera (Dawan):Taliyaha xabsiga magaaladda Mandheera ee gobolka Saaxil gaashanle sare Muuse Abokor Qoorsheel, ayaa walaac ka muujiyay halista ka dhalan karta haddii ay maxaabiistu qaadaan xanuunka Corona virus.

Waxaanu sheegay in xabsiga Mandheer ay ku jiraan maxaabiis tiradoodu gaadhayso 400 oo maxbuus, iyadoo qiyaas ahaan qolkiiba ay ku jiraan 30 ilaa 40 maxbuus.

Iyadoo wixii ka horeeyay markii dalka lagu arkay xanuunka Covid-19 ay ku jireen in ka badan 600 oo maxbuus.

Taasoo halisteedda leh haddii mid ka mida maxaabiista uu qaado xanuunka Covid-19, isla markaana uu si fudud u wada gaadhsiin karro maxaabiista kale.

Si looga taxadero dhibaato ka dhalata maxaabiista oo qaadda caabuqa Corona waxay maamulka xabsigu qaadeen  tallaabooyin  fara badan oo lagaga gaashaamanayo in aanu xanuunku u soo gudbin maxaabiista.

Tan iyo markii dalka Somaliland lagu arkay xanuunka Corona virus, sida uu sheegay taliyaha xabsiga Mandheera gaashanle sare Muuse Abokor Qoorsheel, oo maanta u waramay warbaahinta dawladda jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu tilmaamay taliyuhu in ay qaadeen tallaabooyinka ay kaga hor tegayeen in aanu xanuunkaasi ka dhex dilaacin maxaabiista.

Waxaanu yidhi,  “Intii tamartayadda ah dedaal badan ayaanu ka galnay. Taxader badan ayaanu samaynay. Fara-xalkii ayaanu samaynay, Saabuuntii ayaanu samaynay, Af-xidhkii (masks) ayaanu samanay. Maxaabiista ayaan u kala rarrnay qolalka, oo guri-gur ayaanu gaynay,  si aanay isugu gudbin”.

Gaashanle sare Muuse Abokor Qoorsheel, waxa kaloo uu sheegay in wixii maxaabiis cusub ah ee la keeno   in ay meel gaarra geeyaano, isla markaana  muddo 14 maalmood ah  caafimaadkoodda la hubiyo.

“Wixii bedel cusub ah, ee la keenana, guryo gaar ah ayaanu gaynaa, oo muddo 14 cisho ah ayaanu ku hubinaa caafimaadkoodda. Kadib marka aanu 14-ka maalmood hubino caafimaadkoodda, haddii ay waxba ka soo bixi waayaan, in maxaabiista kale lagu darro ayaanu samaynay” ayuu yidhi Gaashanle sare Muuse Abokor Qoorsheel.

Xabsiga Mandheera oo  ah kan ugu weyn xabsiyadda dalka Somaliland, waxaa ku jiray taliyaha xabsigu sheegay in xiligii uu caabuqa Corona virus ka dilaacay dalka ay ku jireen maxaabiis gaadhaya ilaa 600 oo qof.

Taliyaha oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi,  “Xabsigu waa xabsi fara badan. Mar bay  600 oo maxbuus ku jireen, bilawgii Karoonaha. Imika-na waxaa ku jira maxaabiis 400 oo ruux ah.

Guryaha xabsiga qolkiiba 30 ilaa 40 maxbuus ayaa ku jira. Hadduu shaqsi ka mid ah ku dhaco xanuunku, dhamaantood mar bay wada qaadayaan.

Markaa si looga taxaderro, maadaama oo aanay weli xukuumadu shaacin in uu dalka ka dhamaaday, weli-na uu jiro… markaa taxader ahaan ayay anaga naga tahay, ilaa inta si fiican loo xaqiijinayo in uu xanuunku dalka ka dhamaaday”.

Geesta kale taliyaha xabsiga Mandheera waxa uu sheegay in ay maxaabiista ka joojiyeen dadka eheladoodda ah ee soo booqanaya, si looga feejignaado in aanu qof xanuunka qabaa cunto ama wax kale u keenin maxbuus.

Taasoo haddii ay dhacdo sababi karta in si fudud ay maxaabiistu u wada qaadaan. “Maxaabiista, waxaanu ka joojinay dadka eheladooda ah ee soo booqanay. Waxyaabo badan oo cuntooyin nafaqo leh way helaan. Laakiin, waxa laga baqayo ayaa ka weyn noloshoodda iyo duruuftoodda” ayuu yidhi Qoorsheel.

Dhinaca kale taliyuhu waxa uu tilmaamay in wixii karaankooda ah ay ku dedaalaan in maxaabiistu ay helaan cuntooyin nafaqo leh, maadaama oo laga mamnuucay dadka ehelkoodda ah in u yimaadaan.

“Baahidoodda wixii tamartayadda ah, waanu qabanay. Laakiin, waxaa nagaga weyn in aanu ka taxadirno waxyeeladda uu ku keeni karo xanuunkaasi iyo soo fiditaankiisu, haddii uu soo gallo xanuunkaasi” ayuu yidhi taliyaha xabsiga Mandheera.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply