Shirkadda Telesom Oo Isku Guurinaysa 60 Dhalinyarro ah

0
726

Hargaysa (Dawan): Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ayaa shaacisay in ay qabanayaan barnaamij  isugu guurinayo 60 dhalinyarro ah oo isugu jira Wiilal iyo gabdho.

Barnaamijkaasi oo magaciisa la yidhahdo ‘Aroos Wacan’ ayay Telesom sheegtay in loogu tallo galay in lagu taageerro dhalinyarrada aan weli guursan ee u baahan ama doonaya in ay guursadaan.

Aroos wadareedkan 30-ka qoys ah ayaa la hirgelinayaa 6 bilood ee sanadkan ka hadhay, kuwaasoo laga bixinayo kharashka arooska.

Iyo sidoo kale  in laga bixiyo alaabta guriga iyo in kirrada guriga laga bixiyo muddo lix bilood ah, iyo in biilka qoyska laga bixiyo muddo lix bilood ah.

Sidaasina waxaa shaaciyay agaasimaha horumarinta bulshadda ee shirkadda Telesom C/wahaab Maax, oo maanta warbaahinta ku hadlay xarunta dhexe ee shirkadda telesom ee magaaladda Hargaysa.

Daawo: Agaasime Maax Oo Arrimahaas Faahfaahinaya:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply