Golaha Guurtida oo foorrihii Ictiraafka ku sifeeyey galaangalka diblomaasiyadeed ee hadheeyey Somaliland

0
491
“Masar iyo Itoobiya barantansiin mayno oo Itoobiya waa innaga oo dadkeeniibaa ah, xuduudkeeniibaa ah oo dhaqaaleheeniibaa isugu keen jira…”Guddoomiyaha Guurtida
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Mudaneyaasha Aqalka guurtida Jamhuuriyada Somaliland, ayaa bogaadiyey goollalsha diblomaasiyaddeed ee muddooyinkii u dambeeyey laaday Xukuumaddu, gaar ahaan taaba-gelinta dhismaha biriijka siyaasaddeed ee Taiwan, qaabilaada galaangalka ku dhisan danaha istaraatiijiyadeed ee Dawladda Masar iyo deddaalada kale ee ay Xukuumaddu ku waajahday dalalka caalamka.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan oo hadal ka jeediyey Fadhigii Golahaasi ee Isniintii oo uu shir-guddoominayey, kaasoo lagaga dooddayey Siyaasadda arrimaha dibada,  ayaa sheegay in ay meel fiican marayso siyaasadda dibadu, rejjo wanaagsanina ka muuqato xidhiidh-dhada kala duwan ee ay dalalka caalamku doonayaan in ay la yeeshaan Dalka.
Guddoomiye Saleebaan oo hadalkan jeediyey kaddib dood  xubno kamida mudaneyaasha Goluhu ku falanqeeyeen marxalada ay taagantahay siyaasadda Khaarajigu, ayaa isagoo si khaasa uga hadlaya qadiyada Dalka Masar ee ku aaddan xidhiidhka Somaliland, kaasoo ku soo beegmay xilli uu murran weyni ka dhexeeyo dalka Itoobiya, ayaa waxa uu guddoomiyuhu tilmaamay  in marka ay noqoto colaada u dhaxaysa labada dal ee Itoobiya iyo Masar Somaliland aanay si fudud ugu milmi karin, balse ay dhinaca la tahay waddanka Ood-wadaagta iyo iskaashiga balaadhani ka dhexeeye ee Itoobiya.
Waxaanu yidhi “Masar iyo Itoobiya barantansiin mayno oo Itoobiya waa innaga oo dadkeeniibaa ah, xuduudkeeniibaa ah oo dhaqaaleheeniibaa isugu keen jira, meel la inoo kala guraba la garan maayo, laakiinse inaga madnuuci mayso taasi in aynu xidhiidh wanaagsan la yeellano Masarna”
Guddoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu iftiimiyey “Masar iminka hadday innagu qayliso oo ay innagu buuqdo waa waxtar oo dhawaaqaa sii Kordhaya, Shiinuhu maanta hadduu inala dagaalamo waa inoo waxtar baan leeyahay oo baalkay inoo gelaysaaba, markaa qadiyadeenaa wixii adduunka gaadhsiiyaaba waa inoo waxtar”
Isagoo daba socda doodda xildhibaanadu ka soo jeediyeen qodobka siyaasadda khaarajiga, waxa uu guddoomiyuhu sheegay “meel xun-na mari mayno oo adduunku toos, anigu waxaan u arkayaa bilowgii Ictiraafka, markaa ciddii ina soo qaadaaba sacabkaynu u tumaynaa”.
Xildhibaanno ka qaybgalay doodda fadhiga, ayaa dhankooda soo jeediyey in guul kasta oo siyaasaddeed oo la gaadho qorshaha lagu darsado in ay cadow iyo cid caarid ku ahi jiri karto iyo in si’ taxadir ku jiro looga jawaabo dalabbaadka ka imanaya dawladdaha  doonaya iskaashiga siyaasaddeed.
Mudaneyaasha ayaa sidoo kale Shir-guddoonka u jeediye in loo yeedho Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada oo uu golaha horyimaado, si uu warbixin uga bixiyo geedi-socodka siyaasadda arrimaha dibada iyo in Goleyaasha dawladdu wada shaqayn dhow ka yeeshaan talaabooyinka diblomaasiyadeed ee xaasaasiga ah marka ay yimaadaan amma ay xukuumaddu qaadayso, guddiyada golayaasha Baarlamanka ee arrimaha dibaduna xogogaal u noqdaan howlaha gaarka u khuseeya arrintaasi, si ay iyaguna xogaha lagama maarmaanka ah ula wadaagaan goleyaashooda.
Geesta kale, xubno kamida xildhibaanada ayaa soo jeediyey in aan ahmiyad weyn la siinin wadahadallada Soomaaliya oo ay tilmaameen in aanu  daacad ka ahayn Maamulka Xamar ka taliyaa, sidaas darteed in la joojiyaa oo ay Dawladda Somaliland ka baxda qumantahay, maadaama aanay midho-dhalkooda diyaar u ahayn Soomaaliya.

Leave a Reply