“Doorashada Waxa lagu Gelaya Sideedii Hore” Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

0
586

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in doorashada lagu gelaayo sideedi hore.

 

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlayey munaasibad uu xadhigag kaga jaray sideed mashruuc oo dawladda hoose ee Gabiley ka fulisay degmada , ayaa sheegay in Xisbiyada Siyaasadu ay ku heshiiyeen in sannadkan ay doorashadu dhacdo .

 

“doorasho ayeynu u dareeraynaa , waxana lagu heshiiyey in sannadkan aynu doorasho galno, doorashada waxa lagu gelayaa sideedi hore “ ayuu yidhi

 

Hadalka Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dabasocday su’aal ay saxaafaddu ka waydisay arrimaha saami qaybsiga.

 

Saddexda Xisbi Qaran ayaa dhawaan ku heshay in dhammaadka sannadka ay dalka ka dhacdo doorashooyinka golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo isku sidkan .

 

Leave a Reply