Wasiirka Deegaanka Oo Sheegtay In ay Tallaabo Ka Qaadi Doonaan Wiil Sawir Ku Galay Buur

0
816

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa ka hadashay Wiil dhalinyaro ah oo naftiisa khatar geliyay.
Kadib markii Wiilkaasi uu sawir ku soo galay geed ka lusha Jar dheer oo ku yaalla buurta Daallo ee gobolka Sanaag.
Sawirka uu Wiilkan dhalinyaradda ah oo todobaadkan si weyn la iskula dhex wareegayay baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka ayay dad weynuhu intooda badan ku tilmaamayeen in uu naftiisa halis geliyay.
Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo maanta warbaahinta kula hadashay xafiiskeedda ayaa wax aad looga naxo ku tilmaantay ficilka uu wiilkaasi ku kacay.


“Waxaan doonayaa in aan ka hadlo dhacdo dhawaan ka dhacday, buurta Daallo ee gobolka Sanaag. Dhinaca Laagga weyn.
Iyadoo dhacdadaasi maalmahan ba, lagu qaadaa dhigayay baraha Internet-ka.
Taasoo ahayd in Wiil dhalinyaro ahi, geed buurta Daallo ku yaalla oo meel Jarka xagiisa sare u dhaw ka baxay.
Oo geedkaas uu Wiil dhalinyaro ahi isku soo sawiray.
Weliba isagoo Gacmaha kor u taagaya sawirkiisii soo geliyay baraha bulshadda ee Internet-ka”.
Wasiirku waxay sheegtay in ay aad uga xumaadeen ka wasaarad ahaan markii ay arkeen sawirka Wiilkani ku soo galay meeshan aadka u halista ah.
Waxaanay tidhi, “Aad iyo aad baanu ka wasaarad ahaan uga naxnay, markii aanu aragnay sawirkaasi, dad badanina way nala soo xidhiidheen.
Waxaa jira buurro ay had iyo jeer dadkeenu tagaan, oo ay koraan. Laakiin, si basar leh u taga, una korra”.
“Waxaa la yaab nala noqotay dhacdadaasi weyn, iyo ninkaa dhalinyarrada ah ee naftiisa ku biimeeyay halkaa. Ee weliba dhalinyarada kalena tusaya, in ay u suurto gashay isaga, in uu halkaa ku daadego, oo uu geedkaa korro, oo uu Gacmaha kor u taago, Lug keliyana ku qabsado geedka in ay u suurto gashay.
Waa qof halaag u badheedhay ama is dilis, ama in uu naftiisa in uu dilo u badheedhay.
Anagu uma arkayno qof caadi ah, oo ku shaqaynaya Maskax caadi ah”.


Geesta kale wasiir Shukri Baandare, waxay sheegtay in ay waajibaadkooda ka gudan doonaan dhacdadaasi, si aanay mar danbe u dhicin arrintan oo kale.
Waxaanay baaq u dirtay guud ahaanba dhalinyaradda u dalxiis taga buuraha.
Waxaanay tidhi, “Dhacdadaasi waxay ahayd mid aad u fool xun. Waxay ahayd mid laga wada naxay. Wasaaradda deegaanku meel walba kama noqon karto Waardiye.
Dadku waa in ay is ilaaliyaan, oo ay nafahoodda ilaaliyaan baa loo baahan yahay.
Laakiin, markaad aagagaas oo kale ama Jarkaas oo kale aad tegayso, waa in aad ku tallo gashaa in aad ka dhici karto.
Wixii maanta ka danbeeya, in taa oo kale loo noqdo, oo dadka dhalinyarada ahi ay ku daydaan ma aha.
Waana in ay iska ilaaliyaan”.

“Anagu wixii waajibaad kayaga ah, waanu ka gudan. Laakiin, waxaan bulshada reer Somaliland u sheegayaa in Wiilkaa dhalinyarada ah, isaga sharciga la mariyo, oo la soo xidho.
Maxaa yeelay? Naftiisa oo uu halaagayay, iyo dadka kale oo uu tusayay, ayaa wax walba ka xun” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply