Laascaanood: Muwaadin Dhul Ku Wareejiyay Dawladda Hoose iyo Maamulka Gobolka

0
479

Laascaanood (Dawan): Maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood ayaa muwaadin C/raxiin Cali Ismaaciil, ayaa maanta  kala wareegay dhul uu bixiyay oo la qorsheeyay in laga dhiso Kuliyadda tababarka macalimiinta ee gboladda bari.

Dhulkaasi oo ah dhulka ay danta guud loo yaqaano ee dawlaha hoose ka jaraan dhulka ayaa ku yaalla duleedka magaaladda Laascaanood, dhulkaasi oo  loo asteeyay in laga dhiso kuliyadda tababarka macalimiinta faraceedda labaad.

Munaasibad kooban oo lagu qabtay halka uu dhulka ku wareejinayay muwaadinkani, waxaa goob joog ka ahaa  maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, badhasaabka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe.

Isu-duwaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Sool iyo guddoomiyaha waxbarashadda ee gobolka Sool. Sidoo kale waxaa goobtaasi joogay muwaadin C/raxiin Cali Ismaaciil, oo isagu dhulkaasi bixiyay.

Maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa isna uga mahad celiyay muwaadin C/raxiin Cali Ismaaciil dhulkan uu ugu deeqay in laga dhiso kuliyadda tababarka macalimiinta ee goboladda bariga Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Dhulkan oo loogu tallo galay in laga dhiso kuliyadda tababarka macalimiinta. Dhulkan waxaa ku deeqay ganacsade C/raxiin Cali Ismaaciil, oo halkan nala jooga.

Wuxuu bixiyay dhul cabirkiisu yahay 60 iyo 60 isku wareeg ah. Ganacsadaha-na waxaan leenahay sidii aad dhulkan u bixisay ILLAAHAY SWT wax kaloo khayr leh ha kuugu bedelo. Maalmaha soo socda-na sharciyadiisii ayaanu u samayn doonaa dhulkani, oo aanu  kaala wareegi doonaa. Haddii aanu nahay dawladda hoose ee Laascaanood.

Sharciyadda dhulkani waxaanu ku wareejin doonaa isu-duwaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Sool”.

Sidoo kale maayarka Laascaanood ayaa u mahad celiyay wasiirka waxbarashadda Somaliland uu sheegay in uu isagu gartay in kuliyadda tababarka macalimiinta ee goboladda bariga Somaliland laga dhiso magaaladda Laascaanood.

Geesta kale badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa isna sheegay in dhulkan uu bixiyay muwaadin C/raxiin Cali Ismaaciil, uu faa’iido fara badan u leedahay  waxbarashadda gobolka Sool.

“Waan uga mahad celinaynaa dhulkan aan maanta kala wareegayno C/raxiin Cali Ismaaciil. Qofku haddii aanu wax iska jarin, waxba kama go’aan.

Bulshadda kale ee reer Laascaanood, waxaan leeyahay dhulka danta guud ah, dawladda ayaa iska leh, ee sidaa C/raxiin oo kale u bixiya. Waxaana iman doonta xili aan la iska baryi doonin bixinta dhulka danta guud ah.

Si weyn ayaan ugaga mahad celinayaa muwaadinku dhulkan uu bixiyay” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

“Waxa kaloo aan u mahad celinayaa wasiirka waxbarashadda Somaliland, maadaama uu kuliyadii tababaarka macalimiinta u xulay in Laascaanood laga sameeyo.

Waana arrin ay dadweynaha gobolka Sool iyo reer Laascaanood-na ay aad iyo aad u soo dhaweeyeen” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

C/raxiin Cali Ismaaciil, oo ka hadlayay u jeedadda uu dhulkan u bixiyay waxa uu yidhi, “Waxaan maanta ku wareejinayaa maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood dhulkan, oo aan u bixiyay in laga dhiso kuliyadda tababarka macalimiinta ee goboladda bariga Somaliland”.

Dhinaca kale Isu-duwaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Sool iyo guddoomiyaha waxbarashadda ee gobolka Sool, ayaa uga mahad celiyay dhulkan uu bixiyay muwaadin C/raxiin Cali Ismaaciil.

Waxaanay sheegeen in dhulkani uu ku yaallo meel ku haboon in kuliyad ama goob waxbarasho laga dhigo, isla markaana uu ku yaallo meel ka baxsan faras-magaalaha.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply