Urrurka Goglo Gurigaaga Aakhiro oo Dhar Ciideed u Qaybiyay Dumar Masaakiina

0
545

Burco (Dawan) Urrurka kheyriga ah ee goglo gurigaaga aakhiro, oo ah mid  isu taagay taakuleynta iyo daryeelida dadka jilicdasan  iyo daryeelka masaajidada ku yaala gudaha magaalada Burco.

Urrurkani ayaa dhar ciideed u qaybiyay qaar ka mida hooyooyinka danyarta ee ku nool magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana deeqdaasi ka faa’ideystay konton qof.

Nimco Cali Ismaaciil gudoomiyaha urrurka goglo gurigaaga aakhiro, ayaa sheegtay in hamiga urrurkoodu yahay mid intan ka fog, qorshahana ugu jirto in hooyo kasta oo danyar ahi ku xisaabtanto, islamarkaana ilma kasta oo agoon ah ay doonayaan in ay kafaalo qaadaan waxbarashadiisa.

Nimco Cali Ismaaciil gudoomiyaha urrurka goglo gurigaaga aakhiro  ugu horeyn waxaa ay faahfaahin ka bixisay qorshahooda dhinaca mustaqbalka iyo meesha ay hiigsanayaan waxaaney tidhi “Barnaamijkani hami intan ka fog ayaanu ka leenahay waxaanu ka leenahay in hooyo kasta oo danyar ahi nagu xisaabtanto, in ilma kasta oo agoona waxbarashadiisa uu anaga nagu xisaabtamo, in uu nagu xisaabtamo qofkasta oo laxaadkiisa ka naafo ahi, aragtida aanu ka leenahay maaha mid intan u kooban, waxaan idiin sheegaya hooyooyinka halknani jooga xogtooda si fiican ayaanu u heynaa, intan idinkagama hadhayno ILLAAHEY waxaad nooga baridaan in waxan wax ka badan uu noogu soo kiin dhiibo”

Leave a Reply