Wasaaradda Dastuurka oo lagu qabtay Tobabar Ku Saabsan Habraaca shaqaalaha dawladda

0
556

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha ayaa Maanta lagu qabtay tobabar ku saabsan fahanka siyaasadaha iyo habraacyadda maaraynta hawlqabadka iyo qiimaynta shaqaalaha dawladda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha, Jamaal Cabdi Muuse ayaa sheegay in Tababarkan ay ka qayb qaateen dhammaan Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Iyada oo diiradda la saaray ,In si qoto dheer loo derso siyaasadaha iyo habraacyadda maaraynta hawlqabadka iyo qiimaynta shaqaalaha dawladda , In laysla fahmo agabka loo isticmaalayo qiimaynta shaqaalaha dawladda, In la dardargeliyo siyaasadaha isla xisaabtanka shaqo ee shaqaalaha dawladda iyo in la soo saaro shaqaalaha ugu hawlqabadka wanaagsan iyo shaqaalaha u baahan kobcinta xirfadaha iyo aqoonta shaqaalaha dawladda.

Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha, Jamaal Axmed Muuse ayaa umahad celiyey fulintii darbabeyaasha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo uu horkacayey Agaasimaha Waaxda Maaraynta Hawl-qabadka iyo Qiimaynta shaqaalaha Dawladda Suleeban M. Obsiiye iyo Agaasime ku xigeenka Waaxda Qiimaynta Hawl-qabadka shaqaalaha Dawladda Cali Maxamed Salah.

 

 

Leave a Reply