Xildhibaan Nacnac oo Shirkadda Telesom ku Hanbalyeeyay Guurka ay Dhalinyaradda u Hibeysay

0
843
Xildhibaan Nacnac oo Shirkadda Telesom ku Hanbalyeeyay Guurka ay Dhalinyaradda u Hibeysay

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ku amaanay soo bandhigista ay soo bandhigtay Abaal-marintii ugu balaadhneyd ee lagu abaal-marinayo dhalinyarada guur doonka ah.

Abaalmarintan oo loogu magac-daray AROOS WACAN, ayaa qayb libaax leh ka qaadan doonta dhismaha guryaha kheyrka leh.

Xidlhibaan Nacnac waxaa uu dhalinyarada ugu baaqay in fursadaasi ay u hibeysay shirkadda Telesom ay ka faa’ideystaan.

sidoo kale xildhibaanku waxaa bogaadiyay adeega ku shubashada ee KAAFIYE, oo uu sheegay in uu wax badan ka tari doono xidhiidhkii bulshada gudo iyo dibadba.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Halkan waxaan uga mahad celinaya shirka isgaadhsiinta ee Telesom, oo laba adeeg soo kordhisay Kaafiye, oo ah ku shubo 7-dollar oo bisha oo dhan hadal iyo Aroos Wacan oo sodon dhalinyarro ah isu guurineysa, waxaan leeyahay adeer aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin waligiinba dadka waad caawin jirteen ALLE heydin caawiyo.

Dhalinyaraddana waxaan leeyahay waar arooskaasi iyo fursadda ka faa’ideysta oo kii guuxayay maalmahanow ka faa’ideyso ILLAAHA shirkadda Telesom inoo diray ayaa mahad iska leh”

Xildhibaan Nacnac isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas raaciyay “Adeegyadan waxaa aan u arkaa adeegyo kheyr qabba 7-dollar ayaan ku shubanayaa oo bisha oo dhan ayaan ku hadlayaa adduunka oo dhan, arooska ay dhalinyaradda aan jeebkoodu buurneyn u sameynayaan meesha ay ka soo saareena ILLAAHEY wax kheyr qabba howgu baddelo”

Xildhibaan Nacnac oo Shirkadda Telesom ku Hanbalyeeyay Guurka ay Dhalinyaradda u Hibeysay

Halkan ka Daawo

Leave a Reply