Gobolka Togdheer oo Si Weyn Looga Oogay Salaada Ciidal Adxa.

0
512

BURCO- (DAWAN)-Maamulka Gobolka Togdheer Iyo Ka Degmada Burco Ayaa Boqolaal Ka Mid Ah Dadweynaha Ku Dhaqan Magaalada Burco kula tukkaday garoonka Almasey Studium Ee Magaaladaasi.

Kumanaanka ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan magaalada magaaladada Burco ayaa isugu soo baxay tukashada salaada ciidul Adxa.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Sheekh Cali Warsame iyo Dr Cabdiraxamaan Raage oo ka mid culimada gobolka Togdheer, waxayna ka sharaxexn munaasibada ciidal Adxa iyo qiimaha ay ku dhexe leedahay umada islaamka, iyaga oo bulshada kula dardaarmay inay ka fogaadaan wax kasta oo lidi ku ah dhaqanka suuban ee islaamka.

waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay maayarka  degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxamaan (Muraad) oo ka hadlay nunaasibada ayaa bulshad u soo jeediyey inay isu kaashadaan wanaaga, isla markaana ay shaqeeyaan horumarka bulshada.

sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa munaasibada ciidal Adxa ku hambalyeey dadweynaha ku dhaqan gobolka Togdheer, waxaanu sidoo kale gaadhsiiyey hambalyada munaasibada  ciida Adxa oo uu uga siday shacabka gobolka Togdheer  madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse BiixiCabdi.

Geesta kale guud ahaanba si nabad ah oo degan ayaa looga ciiday degmooyinka hoos yimaada gobolka Togdheer, iyada oo ay jidadka waaweyn ee magaaladada Burco buux dhaafiyey boqolaal dadwayne ah oo isugu hambalyeynaya farxada munaasibada ciida.

Leave a Reply