Xeer Ay Dowladda Maraykanku Dhaqan-gelisay Oo Faa’iidooyin Kala Duwan U Yeelanaya Somaliland

0
1145

Faalo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Dowladda Maraykanka, ayaa si buuxda u dhaqan-gelisay xeer muhiim ah oo faa’iido dhaqaale, diblomaasiyadeed, amni iyo iskaashiba u yeelan kara dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo sidoo kale uu xeerkaasi ka dul-qaadi karo Somaliland culays kasta oo kaga yimaadda dalka Shiinaha oo u muuqda inuu isku deyayo sidii uu meesha uga saari lahaa xidhiidhka heerkiisa diblomaasiyadeed sareeyo ee u bilaabmay dalalka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan).

Xeerkan ay Dowladda Maraykanku dhaqangelisay taariikhdu markii ay ahayd 26 March 2020, waxa la yidhaahdaa; ‘Taiwan Allies International Protection and Enhancement Initiative (TAIPEI) Act of 2019’ kaasoo nuxur ahaan macnihiisu yahay; xeer waajibinaya in si heer caalami ah loo ilaaliyo xulafada dalka Taiwan, isla markaana wata qorshayaal lagu kobcinayo Taiwan iyo cidkasta oo xulafo la ahba. Xeerkan oo ay ansixiyeen Baarlamanka Maraykanka (labada aqal ee Kongeraska iyo Senetka), waxa uu qeexay in Maraykanku sii xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay dalka Taiwan, isla markaana uu dalalka Adduunka iyo Ururrada Caalamiga ah ku dhiirigeliyo inay weyneeyaan xidhiidhkooda rasmi ah iyo ka aan rasmiga ahaynba ee ay la yeelanayaan waddanka Taiwan.

Xeerkan oo uu Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump si rasmi ah u saxeexay 26 March 2020, waxa uu ka kooban afar bog (4 pages) oo xambaarsan shan qodob ama qaybood (sections) iyo farqado ka sii farcama, kuwaasoo dhinacyo kala duwan faa’iido uga yeelan kara dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanna ugu muhiimsan meelaha waxtarka u ah dalka Somaliland qaybta ama qodobka shannaad ee xeerkan oo ka hadlaysa xoojinta cilaaqaadyo lala yeesho dalka Taiwan (Strengthening of Ties with Taiwan), waxaannu qodobkani ka kooban yahay saddex farqadood oo u dhigan sidan;

  1. Waa in ay Dowladda Maraykanku ka taageero dalka Taiwan sidii uu u sii awoodayn lahaa xidhiidhadiisa diblomaasiyadeed ama sidoo kale iskaashiyada uu la yeelanayo dalalka ku yaal Gobolka Indo-Pacific-ga (Indo-Pasific region) iyo Adduunka oo dhan.
  2. In Maraykanku kordhiyo iskaashiyada dhaqaale, amni iyo diblomaasiyadeed ee uu la leeyahay dalalka si muuqda oo ficil ah u xoojiya, kobciya ama sare sii qaada cilaaqaadyada ay la yeelanayaan dalka Taiwan.
  3. Maraykanku, isagoo ka fikiraya xaaladaha qaar iyo xiliyada munaasibka ah ee waafaqaya danaha siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka, isla markaana la-tashi la yeelanaya Baarlamanka (Congress house), waa inuu wax ka beddelo iskaashiga dhaqaale, ammaan iyo diblomaasiyadeed ee uu la wadaago dalalka qaada ama ku dhaqaaqa tallaabooyin halis ah oo lagu waxyeelaynayo ama lagu minjo-xaabinayo ammaanka ama barqaaqonimada dalka Taiwan.

Qodobkan ka kooban saddexda farqadood ee ku jira xeerka Dowladda Maraykanku dhaqan-gelisay, siyaabo kala duwan ayuu faa’iido iyo waxtar diblomaasiyadeed ugu yahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo aan weli wax aqoonsi caalami ah ka helin Adduunka, waxayna Somaliland marka ugu horaysa ka mid noqonaysaa dalalka xidhiidhka muhiimka ah la yeeshay dalka Taiwan ee uu xeerkanina ku waajibinayo dowladda Maraykanka inay kordhiso iskaashigeeda dhaqaale, amni iyo diblomaasiyadeedba, waxa kaloo ay Somaliland ka faa’iidaysaa ilaalinta caalamiga ah ee xeerku waajibinayo in loo sameeyo dalalka cilaaqaadka diblomaasiyadeed la yeesha waddanka Taiwan.

Geesta kale, sida ku cad farqadda 3-aad ee qodobkan shannaad, waxa suurtogal ah in Dowladda Maraykanku ay hoos-u-dhigto ama meeshaba ka saarto taageerada dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee ay siiso dowladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya, kadib markii ay Maamulka Farmaajo si rasmi ah uga soo horjeedsadeen xidhiidhka dhexmaray Somaliland iyo Taiwan, iyadoo Soomaaliya sheegtay inay aqoonsantahay, taageeraysana siyaasadda ah inuu jiro dal qudha oo la yidhaahdo Shiinaha (one china policy), isla markaana ay Taiwan ka mid tahay dal-weynaha Shiinaha, waxayna arrintaasi keeni kartaa in Maraykanka oo xeerkan daliishanaya uu hoos u dhigo iskaashiga uu la yeelahay Soomaaliya, taas beddelkeeda u soo wareego dhinaca Somaliland, halkaasna ay Somaliland ka faa’iido xidhiidh diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo amni oo ay la yeelato Maraykanka iyo dalalka kale ee xulufada la ah Taiwan.

Sida uu caddeeyey Baarlamanka Maraykanku, sababaha keenay in la sameeyo, lana ansixiyo, isla markaana la dhaqangeliyo xeerkan oo sidoo kale magaciisa la yidhaahdo Taipei act, waxa ugu muhiimsan kadib markii ay soo shaac-baxday culayska dhaqaale ee uu Shiinuhu saarayo dalalka ku dhaqaaqa inay iskaashi diblomaasiyadeed la yeeshaan Taiwan, iyadoo culayskaasina keenay in laga soo bilaabo sannadkii 2016 ay dalalka Gaambiya (Gambia), Panama, Burkina Faso, El Salvador iyo dalalka Jasiiradaha ah ee Sao Tome and Principe, The Dominican Republic, The Solomon Islands iyo Kiribati ay xumeeyeen cilaaqaadkooda diblomaasiyadeed ee ay hore ula lahaayeen Taiwan, taas beddelkeedana doorbideen inay xidhiidh siyaasadeed la samaystaan Shiinaha.

Haddaba, markii uu Maraykanku arrintaas ogaaday ayuu dhaqan-geliyey xeerkan oo la doonayo in lagu ilaaliyo danaha 15 waddan oo caalamka ah, Somaliland-na ku noqonayso 16 oo xiligan cilaaqaad diblomaasiyadeed la wadaaga dalka Taiwan, waxayna ujeedadu tahay in dalalkaas laga ilaaliyo farogelinta Shiinuhu ku doonayo inay ka noqdaan iskaashiga ay la leeyihiin Taiwan, waxayna Somaliland ka mid noqonaysaa dalalkaas xeerku ka ilaalinayo farogelinta iyo culayska diblomaasiyadeed ee kaga iman kara dhinaca Shiinaha. Waxa kaloo ay Somaliland ka faa’iidi kartaa inay iskaashi muhiim ah la yeelato dalalka Maraykanka, Hindiya, Japan, Australia iyo dalalka kale ee cilaaqaadka weyn la leh Taiwan, kuwaasoo sidoo kale ku dedaalanaya inay dalka Taiwan u diyaariyaan saaxad caalami ah oo ay ku ilaashato danaheeda guud.

Waxa Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland looga baahan yahay inay la timaado siyaasad iyo qorshayaal u saamaxaya inay gurato midhaha diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo amni ee uga dhalan kara xeerkan muhiimka ah, waxaannu noqon karaa kaadh qaali ah oo ay dhinacyo kala duwan u adeegsan karto Somaliland.

Halkan hoose ka eeg muqaalka saxeexa Madaxweyne Donald Trump ku dhaqangeliyey xeerkan;

Halkan hoose ka akhri xeerkan oo dhammaystiran

https://www.congress.gov/116/plaws/publ135/PLAW-116publ135.pdf

Faalo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.

Leave a Reply