Burco: Barakacayaal oo loo Sameeyey Maalgelin Ganacsi

0
526

Burco-(Dawan)- Agaasimaha hay’adda Soydafo Cabdisalaan Ibraahi Ducaale ayaa sheegay in 50-qoys oo kamid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Burco ay ugu tala galeen lacag dhan min 10-kun oo dollar si ay kor ugu qaadaan ganacsiyadooda yaryar isla markaana loogu kaabo noloshooda.

 

Agaasimaha hay’adda Soydafo Cabdisalaan Ibraahi Ducaale  ayaa sheegay in lacagta ay ugu talo sidii ay dadka ugasoo kaban lahayeen burburkii dhaqaale ee xanuunka Covid19 u gaystay , waxana uu yidhi “Lacagaha waxaan ugu talo galnay in aanu kor ugu qaadno ganacsiyo yaryar oo ay leeyihiin si ay ugasoo kabtaan burburkii dhaqaale ee inasoo gaadhay ee Covid19 sababay”

 

Meeyarka Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan Muraad iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Nafaqo) ayaa hay’adda Soydafo uga mahad celiyay qorshaha ay ku horumarinayso dadka barakacayaasha ah si kor loogu qaado noloshooda.

 

“dhallinyarada Soydafo la dhaho , waa dhallinyaro aad uga shaqaysa gobolkeena , ha’yaddaha maxliga ah iyo kuwa caalamiga ah waxan usoo jeedinayaa in ku daydan oo la shaqeeyan Soydafo, waayo waxa ay aad ugu dhaw yihiin dadka jilicsan ee u baahan in nolosha laga kaabo” ayuu yidhi Maayir Muraad.

 

Xubno ku hadlay afka dadka Barakacayaasha ah ee loogu deeqay lacagaha ayaa u mahad celiyay hay’adda Soydafo iyo cidkasta oo arrintaa ka shaqaysay.

 

Leave a Reply