Cabsida Badan Ee Deegaanka Aokigahara!

0
443

Deegaanka Aokigahara oo sidoo kalena loo yaqaan Badda Geedaha, waa kayn dhinaca woqooyi-galbeed ka xigta buurta Fuji ee dalka Japan, waxaana ay ku fadhida dhul qiyaastiisu tahay  30 kiiloomitir oo laba jibbaaran (12 sq mi), waxaana la sheegay inay ka samaysantay Qarax weyn oo ka dhacay buurta Fuji sanadkii 864 CE.

Xeebta galbeed ee Aokigahara, waxa ku yaala dhowr god oo barafku ka buuxsamo wakhtiga jiilaalka qaboobaha. Waana goob caan ku ah dalxiisayaasha iyo safarada ardayda dugsiyada. Qaybo ka mid ah Aokigahara waa kayn jiq ah oo aad isugu cufan yihiin, kuwaas oo ay ka xiiseeyaan dalxiisayaashu.

Aokigahara waxaa mararka qaarkood loo yaqaan goobta ugu caansan is-dilitaanka Japan. Sannadkii 2003, 105 qof maydkooda ayaa laga helay kaynta dhexdeeda kuwaasi oo isku dilay, waxaana ay dhaaftay rikoodhkii hore ee 78 qof ee sanadkii 2002.

Sannadkii 2010, booliisku waxay diiwaangeliyeen in ka badan 200 oo qof oo isku dayay inay isku dilaan kaynta dhexdeeda, kuwaas oo 54 ka mid ahi ay dhammaystireen falka. Isdilitaanka ayaa la sheegay inay kordhaan inta lagu guda jiro bisha Maarso, dhamaadka sanadka ee Japan, inkasta oo aan sabab la sheegin. Laga soo bilaabo sanadkii 2011, habka ugu caansan ee isdilka ee kayntan waxa ugu badan in qofku is deldelo ama uqaato daroogo xadigeedu uu aad u badana taasi oo sababta dhimashadiis. Sanadihii la soo dhaafay, mas’uuliyiinta arrimaha gudaha ah ayaa joojiyay faafinta tirooyinka isku dila goobtan iyaga oo isku deyay in ay hoos u dhigaan  isdilka deegaanka Aokigahara.

Heerka ismiidaaminta ee batay ayaa u horseeday mas’uuliyiintu inay calaamad u sameeyaan goobta laga soo galo kuwaasi oo ay ku qoran yihiin weedhaha “ Ha is dilin, caawimaad weydiiso booliiska” “ Qoyska iyo caruurtaada ha cidlayn”,  joojinta is dilka kaynta waxa qayb weyn ka qata booliiska, samafalayaan iyo suxufiyiin laga soo bilaabo sanadkii 1970, haddana arimahaasi wax weyn kama bedelaan. Waxaana ay noqotay goobta dunida ugu weyn ee isdilku ka dhaco.

Sababta ay dadku goobtan u doortaan inay ku dhintaan ayaa xidhiidh la leh sheeko khurafaad ah oo lagu magacaabo “Seicho Matsumoto” taasi oo sheegaysa inay tahay goob barakaysan oo ku wanaagsan in uu qofku ku dhinto.

 

Leave a Reply