Xikmado

0
1436
  • Xorriyadu waxa ay ka bilaabantaa, halka Jahligu ku dhamaado
  • Xikmada;Nin xakiim ah ayaa la weydiiyay ma jiraa qof ka xun bakhaylka ?
  • Wuxu ku jawaabay haa. Waxa ka xun deeqsiga wixii uu bixiyay ka sheekeeya.
  • Islaan da’ ah ayaa la weydiiyay , sidee ayaad ugu noolaydeen nolol bilaa technologi ah oo aan Telefon, Internet iyo  Electronic  midna lahayn ? Waxaana ay ku  jawaabtay: “Sida aad maanta ugu nooshihiin bilaa kalgacal, bilaa run, balan fur, been iyo  bilaa Insaaniyad”.
  • Xikmad: Boqor kasta oo weyni wuxu ahaa ilma yar oo ooyaya, dhisme kasta oo adagani wuxuu ahaa meel banaan. Muhimadu maaha waxa aad maanta tahay waa wax aad noqon doonto berri.
  • Xikmad;Awood uma lihid inaad bedesho muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.

Leave a Reply