Goob Aan La Ogolayn In La Booqdo

0
459

Keydka qarsoon ee kaniisadda Vatican ee ee dalka Talyaaniga waa mid aan loo oggoleyn in dadku ay booqdaan. Kaydka qarsooni waxa uu yaalla dhisme weyn oo lagu kaydiyay arrimaha muhiimka ah ee taariikhda ku xusan.

Baadariga Fatikan waa mulkiilaha xarunta ilaa uu dhinto ama is casilo, waxaana kaydka qarsoon ka mid ah waraaqo ay is weydaarsadeen Fatikanka iyo dad caan dunida ah sida madax, boqoro, waxaana ka mid ah Hitlerkii Jarmalka waraaqo ay is weydaarsadeen fatikanka, boqoradda Ingiriiska iwm.

Xogta qolkan taalla waa mid gaar u ah baadariga mad-habta katoliga ee kiristaanka, waana ka manuuc  in dadka booqanayaa ay arkaan.

Qolkan iyo xogtan waxa keliya ee loo ogolaada Saynisyahanada kuwaasi oo codsi gudubista, laakiin haddii loo ogolaado waxa ku xidhan shuruudo adaga oo ay ka mid tahay inay aanay kala soo bixin wax waraaqo ah qolka. Weliba waxa intaasi dheer in aan iyaga laftigooda aan loo wada ogolayn inay wax kasta arkaan.

Xogtan ayaa la sheegay in la ururinayay ilaa qarnigii 8aad  , Macluumaadka sirta qarsoon waxa badankoodu ku kaydsan yihiin dhismayaal hoose oo qoyaas ahaan gaadhaya 85 km.

 

Leave a Reply