“Qof kasta oo wado degeni waa in uu baneeyaa, waayo waxa ka weyn haddii dhibaato dhacdo waxyeellada ay keenayso wadada xidhani”
“shirkaddaha Laydhka waxaanu ku wargelinaynaa xadhkahan isa saaran iyo kuwa gaboobay ee hoolmay lama aqbalayo..”
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Faras magaalaha Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, waxyaabaha bilic xumida ugu wacan ee in wax laga qabto aad ugu baahan waxa kamida xadhkaha xambaara Korantada iyo Isgaadhsiinta Telefoonada ee saqafka guryaha iyo Oogada laamiga ku taxan sida Loolka la dulmariyo dhiggaha iyo Udbaha lagu dhiso aqal soomaaliga iyo ku Ganacsiga jidadka dhexdooda oo qaab xumo iyo halis nabad-gelyo darro oo isbarkan sabab u noqota.
Ganacsiga Wadhatada wadooyinka oo ah meheradaha yar yar ee lagu dul iibiyo Keeryoonaha iyo kuwo Miisaska macbal loo samaystaba, waxa ay sida barakacayaasha u wadhan yihiin dariiqyada loogu talogalay gaadiidka iyo dadka lugaynaya suuqa maraya, iyadoo meelaha qaarkood aad arkayso dhismeyaashii laamida hareerahooda ku yaallay ee dhagaxa ahaa oo laga hor furay laba meheradood oo kale.
Sida, Tusaale ahaan “guri daar ah oo ay meheradi ka furantahay, ayaa waxa hortiisa laga samaynayaa goodhi kale oo lagu iibinayo Badeecad, taasoo iyadana horteeda la dhigayo dukaan kale oo gaadhi gacan lagu dul iibinayo’ baaxada dhulka intaasoo meheraddood ku yaallaana waa dhowr talaabo oo loogu talogalay in dadka gaadiidka wataa ku hakadaan (Parking) marka ay suuqa ka dukaamaysanayaan, meeshii dadka lugaynayaa marayeen iyo jidkii Gaadiidku soconayey oo sida badan gudaha loo galay.
Qorshe xumada noocaas ah oo suuqyada qaarkood jidadkii gawaadhida loogu talogalay xidhmeeen, dadka lugaynayaana dirqi ku dhex socdaan, ayaa gaadhay heer la dareemo in halis naf iyo maalba isugu jirtaa gedaaman tahay oo haddii uu dab ka kaco suuqyada qaar aanay jirin meel uu u maro gaadiidka dab-damiska iyo gurmad kale toona.
Suuqa Waaheen oo ah rugta ugu weyn ee goobaha ganacsiga Somaliland, qof kasta oo dhex marayna uu dareemi karo dhibaatada ka jirta dariiqyada dhex mara oo badankoodu ay xidhnaayeen wakhti dheer, ayaa todobaadkii hore waxa ka bilaabmay howlgal lagu banaynayo waddooyinka oodmay ee suuqaasi, kaasoo ay bilowgiisii hogaaminayeen guddida Ganacsatada suuqaasi oo fulinaya amar ka soo baxay Dawladda, gaar ahaan xafiiska Badhasaabka Gobolka, kaasoo ku saabsan in la baraxo jidadka gaadiidka iyo dadku marayaan ee sharci-darrada loo degay suuqaasi, socdayna muddo lix maalmood ah.
Howlgalkan oo ay iska-kaashanayeen Ciidanka Booliska iyo guddida ganacsatadu, ayaa lagu guulaystay boqolkiiba todobaatan (70%), sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Cabdi oo maanta kormeer ku tegay meelaha la baneeyey iyo kuwa howshoodu socoto ee Suuqaasi.
Kaddib Kormeer uu ku maray suuqa dhexdiisa, waxa uu guddoomiyuhu sheegay “Guddida Ganacsatadu waxa ay naga codsadeen in aannaan annagu gacanta ula tegine aannu shan maalmood iyaga u dayno oo ay waddooyinka baneeyaan, wax fiicanbaad qabateen idinka iyo Ciidankaba waa idiinka mahad-naqaynaa, laakiinse wixii aynu u baahnayn may qabsoomin, waddooyinkii wali waa cidhiidhi oo wadooyin intan ka waaweynbaa loo baahan yahay oo waa la banaynayaa” ayuu yidhi Guddoomiyaha oo la hadlayey ganacsatadii howsha bilowgeedii hogaaminayey.
Guddoomiyaha oo hadalka sii wada ayaa amar ku bixiyey “qof kasta oo wado degeni waa in uu baneeyaa, waayo waxa ka weyn haddii dhibaato dhacdo waxyeellada ay keenayso wadadaas xidhani, markaa innagoo eeggayna dadka danyarta ah iyo duruufaha waddanka ka jira, waxa loo baahan yahay in aynu iswaafajino duruufaheena iyo ahmiyadda wadooyinka oo aynu banayno”
Badhasaabka Gobolku, waxa kale oo digniin u diray Shirkaddaha bixiya adeegga laydhka ee iska leh xadhkaha ku taxan waddooyinka suuqaasi iyo meel kasta oo kamida magaalada, isagoo xusay in ay qayb ka yihiin halist ka dhalan karta suuqaas “shirkaddaha Laydhka waxaanu ku wargelinaynaa xadhkahan isa saaran iyo kuwa gaboobay ee hoolmay lama aqbalayo.
Dhibaatooyinka had iyo jeer qayb ayey ka yihiin dabku ka dhasho, shir ayaanu isugu yeedhaynaa lagu dejinayo qorshe laysla ogyahay oo loo samaynayo Laydhka Suuqa meesha laga maamulayo iyo halka uu marayo oo dab nidaamsan ayaa suuqan loo samaynayaa”ayuu raaciyey Guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim iyo xubno ku hadlayey afka guddida Ganacsatada Suuqa Waaheen oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hantida ugu badan ee dalku ay taallo suuqa Waaheen, khatarta ku gedaamanina ay tahay mid wadnaha farta lagu hayo.
“Lacagtii Umaddu halkan(Suuqa Waaheen) ayey isugu timi, waxa kaliya ee laga fikirayaa waa nabad-gelyadii, haddii uu shil yimaado, waxa loo baahan yahay meeshii uu dab-damiska iyo cidii kale ee gurmad samaynaysaaba mari lahayd”ayuu yidhi Jamaal Caydiid guddoomiyaha rugta Ganacsiga iyo Wershadaha oo kormeerka guddoomiyaha ku wehelinayey.
Dhawaan ayey ahayd markii uu shil dab oo koobani ka kacay meel kamida Suuqa Waaheen, horena dhacdooyin ah dukaamo ganacsi oo dab ka kacay ayaa ka dhacay Suuqa Gobanimo ee isla magaalada Hargeysa.
Hase yeeshee, fulinta qorshahan lagu banaynayo dariiqyada Suuqa Waaheen, waxa uu ka hortag u yahay in ay dhacdo alle inaguma keenee, dhibaato dab oo lamida tii ka dhacday Magaalo ganacsiyeedka Togwajaale bishii December ee sanadkii 2017-kii, halkaasoo dab ka kacay goor saq dhexe ahi leefay in ka badan boqol meheradood oo Ganacsi oo aan shay laga dhex qaadin wixii hanti taallay.
Gubashadii Suuqa Wajaale oo sidii la sheegay ay ku burburtay amma ku baaba’day hanti lagu qiyaasay laba Milyan oo Dollar, ayaa waayo-aragnimo aan la hilmaami karin u noqotay bulshada ku ganacsada magaaladaasi oo markii ay masiibadaasi ku habsatay aqbalay in ay banaystaan waddooyinka suuqaasi oo xidhnaa ka hor intaanay mushkiladaasi dhicin, iyada oo waxyaabaha sii kordhiyey baaxada khasaaraha wax laga saarayo waddooyinka xidhnaa.