Burco: Booliska oo Dagaal kula Jira Mukhaadaradka Xashiishada

0
1032

Burco-(Dawan)-Taliyaha qaybta ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer gaashaanle dhexe Cali Maxamed Faarax ayaa ka warbixiyey hawlgalo ay mudooyinkii u dambeeyey ay ciidanka Booliska gobolkaasi kula dagaalamayeen maandooriyeyaasha Khamriga iyo Xashiishada.

 

Taliyaha qaybta Booliska ee Togdheer ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee nabadgalyo ee gobolkaas, isaga oo sheegay in ay wanaagsan tahay isla markaana ayna jirin deegaan gobolkaas ka tirsan oo uu ka jiro wax khilaafa ama dhib ah.

 

Sidoo kale, taliyuhu waxa uu xusay in muddooyinkii u dambeeyey ay ciidanku wadeen hawlgalo ay kula dagaalamayeen maandooriyeyaasha khamriga iyo Xashiishada oo uu tilmaamay in bulshada dhibaato weyn ku hayaan, gaar ahaan dhallinyarada, isaga oo sheegayin ay sii wadayaan hawlgalada noocaas ah.

 

Waxa kale, oo uu taliyaha qaybta ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer gaashaanle dhexe Cali Maxamed Faarax si weyn u soo dhaweeyey xeerka maandooriyaha oo ay shalay ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo bogaadiyey golahaaas, isla markaana sheegay in xeerkaas ay si weyn ugu baahnaanyeen wuxuuna ballan qaaday in ay ku dhqami doonaan kaalin weyna ka qaadan doonaan dhaqan gelinta xeerkaas, isaga oo tilmaamay in xeerkaasi uu taageero weyn siinayo Booliska iyo bahda garsoorka ee dalka.

 

Wuxuuna digniin u diray cid kasta oo ka ganacsata, isticmaasha maandooriyeyaasha dhibaatada ku haya bulshada , isaga oo intaas ku daray in ay talaabo ka qaadi doonaan ciddii ay ku qabtaan isticmaalka maandooriyaha isla markaana ay horgeyn doonaan maxkamadaha awooda u leh ka garnaqa fal dabiyeedyada maandooriyaha.

Leave a Reply