Waddani oo Dib u Dhigay Shirweynaha Xisbiga

0
638

Hargeysa (Dawan) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay shirweynaha Xisbigaasi.

 

Kulan ay shalay Hargeysa ku yeesheen Guddiga fulinta ee Xisbiga WADDANI ayay ku go’aamiyeen in shirka dib loo dhigo muddo lix bilood ah  sida uu warbaahinta u sheegay Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Khadar Xuseen Cabdi

 

“xarunta Xisbiga waxa ka qabsoomay shirkii guddida fulinta oo u shirgudoominayey ku simaha guddoomiyaha Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde , waxa dood laga yeeshay muddaynta shirka golaha dhexe iyo shirweynaha Xisbiga . ka dib markii la garwaqsaday in saamayn weyn uu inagu yeeshay xanuunkii Covid19 oo qurba joogta Xisbigu aanay kasoo qaybgeli Karin , sida awgeed waxa uu golaha dhexe u codeeyey in dib loo dhigo shirka golaha dhexe iyo shirweynaha Xisbiga Muddo ku siman lix bilood laguna qabto labada shir ba mudada lixda bilood gudaheed” ayuu yidhi

Leave a Reply