Golaha Wakiiladda oo Mar kale la Hor-keenay Xeerka Kufsiga ee Muranka Badan Dhaliyay

0
506

Hargeysa (Dawan) Golaha wakiiladda Somaliland ayaa maanta markii labaad la hor keenay xeerka Kufsiga, kaas oo wax ka beddel lagu soo sameeyay kadib markii ansixintiisi hore muran badani ka dhashay inta badan bulshaduna ka hor timid qodobo ku jiray oo culimada dalku iftiimisay in aanay waafaqsaneyn shareecadda suuban ee Diinta Islaamka.

Gudoomiyaha golaha wakiillada mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in xeerkii kufsiga oo wax ka beddel lagu soo sameeyay lana waafajiyay shareecada Islaamka in la hor keenay golaha wakiillada loona qaybiyay mudanayaasha si ay u soo akhriyaan lagana doodi doono maalinta berri ah.

Gudoomiye Baashe oo xeerkaa mar labaad lagu soo celiyay golahooda ka hadlayayna waxaa uu yidhi  “Waa Xeerka Kufsiga oo wax ka beddel lagu soo sameeyay, waxaana la soo waafajiyay shareecada, xeerkan waa la soo akhriyayaa guddida arrimaha gudaha iyo doorashooyinku waa in ay sabtida keenaan golaha xeerkana soo akhriya berri hadii ILLAAHEY yidhaaho ayay doodiisu bilaabmaysa”

Gudoomiyaha golaha wakiillada mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in xeerkii kufsiga oo wax ka beddel lagu soo sameeyay lana waafajiyay shareecada Islaamka in la hor keenay golaha wakiillada loona qaybiyay mudanayaasha si ay u soo akhriyaan lagana doodi doono maalinta berri ah.

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply