Duqa Degmadda Xuddun o ka Hadlay Xaalada Nabadgeliyo ee Deegaanka Xukuumaddana Fariin u Diray

0
541

Xuddun (Dawan) Guddoomiyaha degmadda Xuddun ee gobolka Sool Faarax Cali Ibraahin, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Jidbaale.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay madaxda degmooyinka in aan la siyaasadeyn dhul daaqsimeedka iyado degmana aanay degmo ku xadgudbeyn.

Waxaanu u soo jeediyay beelaha walaalaha ah ee deegaankaasi wada dega daaqa iyo biyaha si nabadgeliyo ah ku wadaagaan iyada oo aan la kala sheegaynayn dhul daaqsimeedka.

Dhinaca kale waxaa uu fariin u diray wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo uu ka codsaday  in maayiradda degmooyinka ay ku ilaaliyaan xuduud degmeedkiisa, si aanu maayirna uga talinin dhul uga baxsan deegaanka uu dawlada masuulka uga yahay.

Maayerka degmadda Xuddun waxaa uu sidan ka sheegay wareysi uu siyay warbaahinta dawlada.

Maayerka degmadda Xuddun isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa jirtay dhawaan shaqaaqo ka dhacday degmadda Jidbaale oo ka tirsan degmadda Xuddun ee gobolka Sool, shaqaaqadaasina waxaa ay dhex martay dad walaalo ah oo isku degaana, arrimaha noocaas ahi  markay dhacaana maaha in la siyaasadeeyo, oo deegaankaa degmooyin isku qabsadaan, daaqa iyo ceelasha biyaha bulshada reer Somaliland meelkasta ha joogaane way wada leeyihiin, lamana kala sheegan karro”

Maayerka degmadda Xuddun mar uu ka hadlayay dhibaatada laga dhaxlo muranka dhulka waxaa uu yidhi  “Waxaa jira muran siyaasadeed oo degmooyinka qaar ku doodayaan in dhul degmo kale leedahay ku sheegtaan, ama ay dadka ku yidhaahaan dhul heblaayo waxaa uu ka tirsan yahay degmadeena, taasina waxaa ay keenta isku dhaca dadweynaha reer guuraaga ah, waana arrin fool xun in la siyaasadeeyo dhul daaqsimeedka dadku wada leeyahay, degmooyinkuna waa ay kala xadeysan yihiin degma kastaana waa ay taaqaana dhulka ay leedahay”

Maayerka oo hadalkiisa sii wata waxaa uu fariin u diray wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan ka codsanaya wasaaradda arrimaha gudaha in maayerada in ay ku dhaqmaan siyaasada Qaranka ee ah in aan daaqa iyo biyaha la kala sheegan iyo in aan degmana degmo kale ku xadgudbin”

Ugu danbeyn maayerku  waxaa uu sheegay in deegaanku nabad yahay  gacantana ay ku hayaan arrimaha nabad geliyada, maamulka degmada, ka heer gobol iyo ciidanka Qaranka oo ku sugan deegaanadii ay wax ka dhaceen.

Guddoomiyaha degmadda Xuddun ee gobolka Sool Faarax Cali Ibraahin, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Jidbaale.

Leave a Reply