Caaqil lagu Caleemo saaray Hargeysa.

0
397

Hargeysa (Dawan) caaqil Muxumed Qawdhan Muxumed oo kana mid noqon doona madaxda dhaqanka Somaliland ayaa maanta lagu caleemo saaray magaalada Hargeysa .

Madashi lagu caleemo saaray caaqilkan cusub ayaa waxa goob joog ka ahaa, madax dhaqameed, siyaasiyiin, salaadin iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo dhammaantood si isku mida ugu niyadsama xulashada lagu soo sameeyay caaqilkan.

Siyaasi Maxamed Qaasim Xaashi ayaa  sheegay in ujeedada kulmisay bulshada kala duwan ee munaasibadan ka soo qayb gashay ay tahay caleemo saarka caaqil Muxumed Qawdhan, sidaasina kaga mid noqon doona maanta laga bilaabo cuqaasha dalka waxaanu yidhi “Ujeedada aynu halkan isugu nimid waxaa ay tahay in aynu ku caleema saarno Caaqil cusub oo ay beeshu u dooratay in uu u ahaado Caaqilkoodi, islamarkaana uu ku biiro golihii cuqaasha laga bilaabo maanta oo ay munaasibadani dhacayso”

“Waxaan kugula talinaya ama baabuur ha wato, ama ha lugeynayo qof kuu yimaado arrinta uu ku doonayo halkaad joogto aan kugu sheegin in aanad raacin, sababto ah cag fudeyd ayay dhalineysa hadhaw ayay ka hor imanaysa oo arrinta aanad fadhiga ku ogaanin wax ay noqon doonto ma ogid”Ayuu yidhi mid ka mida cuqaashi munaasibadaasi ka soo qayb gashay.

Dhankiisa Caaqilka munaasibadani lagu caleemo saaray Caaqil Muxumed Qawdhan Muxumed, oo isna goobtaasi ka hadlay “Wax walba ILLAAHEY-ba bixiya, waxaa aad igu duceysaan in hadalka hibada leh ILLAAHEY i karsiiyo, dadka munaasibadan ka soo qayb galay ee i sharfay aad ayaan ugu mahad naqayaa, mar hadii lagu weyneeyo in adna aad mahad naqdaa waa wax waajiba, waxaan ku soo gaba-gabeynayaa dadkiina sharafta ii sameeyay ILLAAHEY heydin sharfo”

 

Halkan ka Daawo

Leave a Reply