Gudoomiye Maxkamadda sare oo Kormeeray …

0
656

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Maxkamadda sare Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida Caddaalada ayaa kormeer ku soo maray Maxkamadda Rafcaanka gobolka Marood-jeex, maxkamadda gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamadda degmada Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay weheliyaan garsoore iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda sare, guddoomiyayaasha Maxkamadda Rafcaanka Cali Suudi Diiriye, gobolka Cabdi Qawdhan Cabdi iyo gegmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf ayaa saaka kormeer ku sameeyay dhamaan xafiisyada Maxkamadaha Racfaanka, gobolka iyo degmada Hargeysa.

Kormeerka ayaa ujeedadiisu ahayd xog-ogaal u noqoshada hawlaha ka socda xarumahaasi, baahiyaha ka jira iyo heerka aqooneed ee shaqaalaha ka hawl-gala Maxkamadda Racfaanka, gobolka iyo Degmada Hargeysa, waxaanu guddoomiyuhu ugu baaqay shaqaalaha haysta shahaadada dugisga sare iyo kuwa haysta darajada koobaad ee jaamacadda in ay kordhiyaan aqoontooda, iyagoo ka faa’iidaysanaya barnaamijka kobcinta aqoonta Hay’adda garsoorka, kaasi oo ah deeq waxbarasho oo loogu tala galay shaqaale weynaha hay’adda garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii kormeerkaasi soo dhamaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa shir la galay guddooomiyayaasha Maxkamadda Racfaanka, gobolka iyo Degmada Hargeysa, shirka ayaa ahaa mid lagaga tashanayay sidii kor loogu qaadi lahaa adeega Maxkamaduhu bulshada u hayaan, loona xoojin lahaa xidhiidhka dadweynaha.

Leave a Reply