Hargeysa: Suxufiyiin loo Tobabaray la Dagaalanka Musuqmaasuqa

0
485

Hargeysa-(Dawan)-Tabobar hal maalin socday oo ay iska kaashadeen wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta iyo Hay’adda Maamul wanaaga ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta.

Tabobarkaas oo ku saabasanaa doorka ay saxaafaddu ka qaadanayso maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, waxa ka qayb wasiirka diinta iyo Aw-qaafta, agaasimaha guud ee warfaafinta guddoomiyaha hay’adda maamul wanaaga, agaasimaha maamul wanaaga, iyo xubnihii  suxufiyiinta ahaa ee tabobarkaas ka qayb qaadanayey oo ka kala socday warbaahinta dalka.

Ugu hoeryn waxa tabobarkaas faahfaahin ka bixiyey agaasimaha hay’adda maamul wanaaga iyo ladagaalanka musumaasuqa oo sheegay in ay muhuum tahay in la helo xukuumad iyo saxaafad meel u wada jeeda kana wada shaqeynaya maamul wanaaga, isla markaana la helo saxaafad dhawraysa xeerarka iyo anshaxa mihnadda saxaafadeed oo og waxa ay xaq u leedahay iyo waxa xaq loogu leeyahay.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelnta Jamhuuriyadda Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, oo u mahadceliyey hay’adda maamul wanaaga oo uu ku majeertay dedaalka ay ugu jirto sidii loo heli lahaa hanaan maamul wanaag mid xukuumadeed iyo mid saxaafadeedba, waxa kale oo uu agaasimuhu u mahadnaqay waaxda cududa shaqaalaha ee wasaaradda warfaafinta oo iyadu tabobarkaas soo qaban qaabisay iyo ka soo qaybgalayaashii tabobarkaas, isaga oo ka qaybgalayaasha tabobarkaas kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan aqoonta ay halkaas ka bartaan.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musumaasuqa Dayib Xaaji Cali, oo ka waramay saameynta ay warbaahintu ku yeelan karto maamul wanaaga, wuxuuna sheegay in hay’adda maamul wanaagu u taagan tahay fulinta mabaadiida maamul wanaaga, ku dhaqanka sharciga iyo isla xisaabtanka si loo buuxiyo gol-daloolooyinka maamul.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo ku dheeraaday isla markaana tilmaamay sida ay diinteena Islaamku u dhiirigelinayso maamul wanaaga, wuxuuna sheegay in diinteenu bulshada Islaamka ah ku dhiirigelinayso in ay isu yimaada oo ay ka wada tashadaan mustaqbalkooda si ay horumar u gaadhaan.

 

Leave a Reply