Guddoomiye Tiimbaro oo Iftiimiyay Qorsheyaal Dhagareysan oo Dalka Maandooriyaha lagu Soo Galiyo

0
577

Borama (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, ayaa bulshada degmada Borama baaq dheer ugu diray la dagaalanka maandooriyaha oo uu sheegay in magaalada Borama si xad dhaafa loo soo galiyo khamriga iyo xashiishada.

Waxaanu guddoomiyuhu si gaara carrabka ugu adkeeyay la dagaalanka maandooriyaha xashiishada oo uu tilmaamay in ay maskax guur ku keento da’yarta halista ugu jira isticmaalkeeda.

Dhinaca kale waxaa uu iftiimiyay in dagaalanka xashiishadu uu ka duwan yahay la dagaalanka khamriga, isaga oo sababeeyay in ay ku kala duwan yihiin sakhrad ahaan oo aan la garaneyn qofka isticmaala maandooriyaha xashiisahada miyir qab iyo waali ka uu yahay, halka khamriga urta lagu ogaan karo.

Gudoomiyaha oo ka hadlayay munaasibad lagu soo bandhigayay manhajka madarasadaha oo lagu qabtay magaalada Borama, ayuu si adag ugu dardaaray macalimiinta iyo waalidiintu in ay ka war hayaan ubadkooda, islamarkaana ay halkii ay uga shakiyaan maandooriye in ay ku soo wargeliyaan sida ugu dhakhsaha badan ciidanka booliska.

Guddoomiyahu isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Qofka Khamriga caba isaga oo sirkhaansan oo uu ka soo urayo ayaad arkaysaa, qof aad is leedahay wuu miyir qaba hadana wax ka si yihiin ayaad arkaysaa, oo aad odhaneyso tallow qofkani miyuu soo yar waalanayaa, carruurta yar yar hadii ay gasho bahashani maskaxda ayay fadhiisata, khamrigu dheefshiid ayuu qaataa, caloosha ayuu galaa iyada naqaskani maskaxda ayuu toos u galaa, cidda koobaad ee dagaalka geli kartaana waxna ka qaban kartaa ee carruurtii gacanta ku heysaa waa idinka, cida warka xaafadaha heli kartaana waa idinka.

Xukuumadda xaq waxaa loogu leeyahay halkaasi ayay wax marayaan marka la yidhaaho hadii ay soo qaban weydo danbiga iyada ayaa leh, hadiise loo soo sheegi waayo waa aynu wada leenahay, saaka hawlgalkii u horeeyay ayaa la bilaabay saddex qof iyo konton dhalo oo khamri ah ayaa lagu soo qabtay”

Guddoomiye Tiimbaro ayaa ifiimiyay qorsheyaal dhagareysan oo maandooriyayaasha dalka lagu soo galiyo lagagana soo qaado Itoobiya, islamarkaana fududeeyay in maandooriyuhu wakhtigan inagu soo bato taasi oo meesha ka saartay cida keenaysa inay kala kulanto khasaare maaliyadeed “Khamrigu waa saleele xashiishada hadii aynaan iska qaban dib ayaynu ka qoomameyn doonaa, dalkan aynu jaarka nahay ee Itoobiya awal khamriga waa laga soo iibsan jiray qofka markaad laba jeer ka qabato ee aad ka burburiso wuu kici jiray, imika qofka waa loo soo dhiibaa oo haduu khasaarana nasiibka, dadkii ayaa la barayaa marka qofkasta lacagtii wuu soo qaadan ileyn isaga kharash kuma joogee, haddii la qabtana waa nasiibkii hadii uu macaashana badhkiisa ayuu qaanayaa oo intii kale ayuu iska celinaya, halkan uun maahee gobolada dalka waa ku sidaa oo xadka oo dhan ayaa la soo dhigay, dagaal adag ayuu inooga baahan yahay”

Dhinaca kale maxkamadda gobolka Awdal ayaa xukuno kala duwan ku riday dad iyo gaadiid lagu soo qabtay khamri iyo xashiishad ay soo geliyeen gudaha magaalada Borama.

Maandooriyayaashan ay ahaa saddex boqol iyo lixdan litir oo khamriya iyo konton xidhmo oo xashiishad ah, oo midkiiba tahay nus kiilo, waxaana khamriga iyo xashiishada la soo qabtay ayay ciidamada boolisku meel fagaare ah ku gubeen.

 

Leave a Reply