Somaliland oo si Adag uga Hadashay Canbaareynta Soomaaliya ee Xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland.

0
758

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay wax ay kaga jawaabtay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya kaasi oo lagu cambaareeyay xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa lagu yidhi‘’Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u aragtaa falcelinta Soomaaliya ee xafiis-wakiileedka Taiwan ee Somaliland mid layaab leh oo marin habaabinaya umadaha adduunka”

Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa lagu yidhi:
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay horeba u lahayd xidhiidho diblomaasiyadeed iyo xidhiidho-wax ku ool ah oo ay la lahayd wadamo badan oo ka tirsan Afrika, Yurub, iyo Aasiya.

Xidhiidhka cusub ee Taiwan iyo Somaliland, wuxuu kamid yahay iskaashiga noocan ah iyo saaxiibtinimada fog ee ka dhaxaysa Somaliland iyo xubnaha beesha caalamka ayaa lagu yidhi warasaxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland kaas oo loogu jawaabayay qoraalkii ay hore usoo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib ula soo noqotay qaranimadeeda 199-kii, ka dib shacabka reer Somaliland waxay si wada jir ah u go’aansadeen inay ka baxaan midnimadii fashilantay ee u dhaxaysay Somaliland iyo Soomaaliya sanadkii 1960-kii, sidaa daraadeed, Qaranimada Somaliland iyo jiritaankeeda dhuleed ayaa ah mid aan lagu murmi karin oo aan laga tirtiri karin sooyaalkan taariikheed.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu yidhi
‘’Sidii ay dawladaha Afrika dib ugu xaqiijiyeen Baaqa Qaahira 1964-kii, xuduudaha Afrika waa inay ahaadaan sidii gumeystihii u qeexay Jamhuuriyadda Somalilandna waxay kamid tahay waddammada ku dhawaaqiddaas ku ansaxisay soohdintooda.

Dawladda Somaliland waxay dooneysaa inay ku celiso in xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan uu ku saleysanyahay iscelin iyo qiimaha aannu wadaagno ee nabadda, xorriyadda, iyo dimoqraadiyadda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland waxay sheegtay in dacaayadaha aan lahayn bay tidhi sal ee ka imanaya Soomaaliya aanay ka horjoogsan doonin xidhiidhkan taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ee loogu jawaabay kii shalay kasoo baxay Soomaaliya, ayaa lagu yidhi ‘’Dawladda Somaliland, waxay mar labaad uga digaysaa maamulka Soomaaliya, inuu ka waantoobo hadallada aan caqli-galka ahayn iyo bayaannada aan baraarugsanayn ee soo noqnoqda iyadoo loo dan leeyahay adduunka.

Gabagabada qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa waxaa lagu yidhi: ‘’Somaliland waa dal madax-bannaan oo masuul ah kaas oo tixgeliya arrimaha dalalka kale”

Leave a Reply