Wasaaradda Shaqo-gelinta oo maal-gelin ku wareejisay 25 Qoys oo shaqo abuur loo sameeyey

0
444

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa maanta ku wareejisay baddeecado ganacsi dad loo sameeyey maalin-gelin Ganacsi, munaasibad lagu qabtay xarunta Wasaaraddaasi ee magaalada Hargeysa, taasoo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga. 

Barmaamujkan maalinta ah oo qayb ka ah mashruuc ay dhawaan Wasaaraddu daah-furtay oo socday ayaa waxa lagu maal-geliyaa Qoysas danyar ah oo la doonayo in kor loo soo qaado nololshooda, kuwaasoo ka kooban 25 qoys.

Dadkan oo isugu jira Haween iyo Rag ayaa waxa lagu wareejiyey Baddeecado kala duwan oo ay ka ganacsan doonaan, iyadoo horena tobanaan qoys sidan oo kale illo ganacsi oo shaqo loogu abuuray.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arrimaha Bulshada Marwo Hinda Xirsi Gaani, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Cabdirashiid Sh. Ibraahim iyo masuuliyiin kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qorshaha looga gol-leeyahay maalingelinta loo samaynayo Qoysaskan, waxaanay sheegeen in mashruucan laga maalgeliyey Miisaaniyada Qaranka, loogu talogalay in lagu yareeyo shaqo la’aanta iyo dhaqaale xumadda shacabka.

Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha Ganacsiga, Maal-gashiga iyo masuuliyiin kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda wasaaradda ku ammaanay howsha fiican ee ay qabatay, iyagoo dhinaca kalena kula dardaarmay dadka la maal-geliyey in ay hantida lagu wareejiyey siddeeda ugu shaqaystaan.

Xubno kamida qoysaska laga maal-geliyey mashruucan oo halkaasi ka hadlay, ayaa uga mahad naqay Wasaaradda iyo xukuumadda fursadan la siiyey, waxaanay sheegeen in ay waxqabadka loo fidiyey ku faro-adaygi doonaan.

Wasaaradda Shaqo-gelinta ayaa sanadihii u dambeeyey waday barmamujyo shaqo loogu abuurayo dadka danyarta ah iyo kuwo kor loogu qaadayo yihdidiilada bulshada nugul, waxaana kamida mashruuc dhawaan ay daah-furtay oo lagu taakulaynayo laba boqol oo kun oo qoys.

Leave a Reply