Dabdamiska Somaliland: Ciidan Dadka iyo Duunyada u Gurmada

0
712

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Dabdamiska caasimada Hargeysa, ayaa samata bixiyay neef geela (Hal) oo ku dhacday god weyn oo ka qodna degaanka Toon oo dhinaca Koonfureed kaga began magaalada Hargeysa.

Hasha godka ku dhacday ee lagu soo wargeliyay ciidanka dabdamiska ayay u suuro geliweyday qoyskii lahaa iyo dadka deegaanka intii aanay gurmad ka helin ciidanka dabdamiska, oo markii lagu soo wargeliyay wakhti kooban gudihiii ku gaadhay hashaasina soo badbaadiyay.

Sarkaal sare oo u hadlay ciidanka dabdamiska ee ka hawl galay samata bixinta Hasha ayaa yidhiย  โ€œILLAAHEY ayaa mahad iska leh 8:30-kii subaxnimo ee maanta (shalay)ย ย  ayaa ciidanka Dab-damiskaย  lagu soo wargeliyay in neef geel ahi ku dhacay god, deegaanka Toon ee dhinaca Koonfureed ee magaalada Hargeysa, waxaanu ku guuleysanay neefkii in aanu soo saarno isaga oo badqaba, imika neefkii waaka ilmihiisi jaqayoโ€

โ€œMarka hore ILLAAHEY-ba mahad iska leh anigu waxaan ahey masuulkii hashan meesha laga soo saaro lahaa, waxaan u mahad celinaya ciidanka Dabdamiska Somaliland, oo aniga oo u taag la ii soo gurmaday masaafada intaas leeg ii soo socday, ILLAAHEY-na ku guuleeyay in ay ka soo saaraan iyada oo badqabta ciidanka dabdamiska boqolkiiba sagashaan ayaan u mahad celinayaaโ€Ayuu yidhi masuulka lahaa Hashan godka ku dhacday ee ciidanka Dabdamisku soo samata bixiyeen.

Ciidanka dabdamiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa noqday ciidan deg deg uga fal celiya wargelin kasta oo xafiiskooda soo gaadha, islamarkaana gacan ka geysta samata bixinta dadka iyo duunyadaba, heegana ugu jira ka hawl galka xaaladkasta oo deg dega.

 

Leave a Reply