Somaliland: hoos u dhac ku yimi Xanuunka Covid 19.

0
490

Hargeysa (Dawan):-Wasaarada  Horumarinta Caafimaadka  Somaliland   ayaa  Sheegtay  in  hoos u dhac   uu ku yimi heerkii  Xannuunka Covid  19 uu ka marayay  dalka.

Agaasimaha guud  ee  Wasaarada  Caafimaadka   Maxamed  Cabdi  Xargeeye oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaaa  sheegay  in ay kor u qaadeen Feejignaanta  lagaga  hor tegayo   Xannuunka Covid 19,waxaanu intaa ku daray in aanay  jirin kor u kac ku yimi  Coranavirus gudaha Somaliland

Maxamed  Cabdi  Xargeeye  oo  Arimahaa  ka hadlayayna  waxa  uu yidhi”Aad iyo  aad ayuu hoos ugu dhacay Xanuunka  Covid 19  Bishan  8aad   kiisasku mararka qaarkood 0 ayay ahaayeen mararka  qaarkood 2 illaa 3 Qof ayaa laga helayaa   wax kor u kac ah oo  wayni majiro oo ku yimid  Covid 19,laakiin Macnaheedu  maaha in uu dhammaaday Xanuunka  Covid 19 Wadamada aynu jaarka nahay iyo dunidaba kor ayuu kacay,markaa waxa  aanu  doonaynaa in aynu  kor  u  qaadno  feejignaantii  iyo  Wacyigalintii  ee lagaga hor tegayay  ismana dhiganayno,”.

Sidoo  kale  Maxamed  Cabdi  Xargeeye ayaa  waxa uu  sheegay in  Gobolada  dalka  uu  ku  soo maray   Socdaal  uu  ugu  kuur  gelayo  xaaladda Cisbitaalada.waxaanu  yidhi”Muddo  dhawayd waxa  aanu  soo marnay Gobolada dalka oo dhan  waxaanan u  kuur galaynay Xaalada Hooyada iyo  Dhallaanka iyo  Cisbitaalada,waxaana  muuqata in  Xaaladda  guud ee Caafimaadka dalku fiican tahay.waxaana Waddanka  ka Shaqeeya dhawr iyo  labaatan Cisbitaal,waxa kale  oo  Shaqeeya Xarumaha  Hooyada iyo  Dhallaanka ee MCH  oo 200  gaadhaya,waxaana jooga xirfadfadleyaal  Shaqaale  Caafimaad oo u adeega dadka waxa kor loo  qaaday   awoodda  Shaybaadh ee  Cisbitaalada dalka ee  Xanuunada Fayriska ah,

 

Leave a Reply