Hargeysa (Dawan) Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtidda Somaliland mudane Siciid Jaamac, ayaa sheegay in mar kale guddi ka kooban sagaal xubnood loo magacaabay ka soo tallo bixinta iyo soo naaqishida xeerka la dagaalanka mukhaadaraadka.
Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtidda Somaliland mudane Siciid Jaamac “Guddi gaara ayaynu u magacaabayna xeerka la dagaalanka maandooriyaha, sababto ah xeerku weli wuu isku dhex jiraa, waxaanu u baahan yahay in dib la isugu soo habeeyo, iyo distoor waafajin in wixii aan distoorka waafajisaneyn la soo waafajiyo, oo xeer saliima, oo isku habeysan oo aan iska hor imanayn oo aan shareecada islaamka ka hor imanayn golaha la hor keeno, intaasi kadibna goluhu u codeeyo waxaanay guddidu ka kooban tahay sagaal xubnood”