Dhallinyaro Aasaasay Wershad Nooceedu Dalka ku Cusub Yahay oo Badbaado u Ah Deegaanka

0
1051

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Saleebaan Cali Axmed, iyo Jimcaale Cabdi Faarax, waa laba wiil oo dhalinyaro ah, kana mida Jaamiciyiinta waddanka wax u bartay, iyaga oo aqoontooda waxbarasho dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku soo dhammeystay heerarkeeda kala duwan.

Markii ay labadan wiil ka soo aflaxeen tacliintii ay dhiganayeen lamay mid noqon dhallinyaradda filkooda ee shaqo la’aanta dalka ka jirtaa quus galisay naftooda, balse waxaa ay la yimaadeen hal abuur iyo curin maskaxeed, oo ay wakhti galiyeen.

Hal-abuurka ay la yimaadeen ayaa ah mid aan la rumeysan karin ilaa qofku dhaayaha saaro ama uu tago, warshadooda sameyska ah ee cagmahooda iyo dabka waxba aanay u dhaxeyn.

Hal-abuurayaashan dada’yari waxaa ay soo saaraan marmar waddani ah oo laga farsameeyey Qashin, waxaanay aasaaseen warshad magaceeda la yidhaaho Plastic Vaniture, kaas oo ay ugu dul qaateen duruufo badan oo ku gadaaman, suuq la’aan, gacan qabasho la’aan, iyo qalab la’aan.

Hindisayaasha shirkadani Hal-abuuray ayaa dawlada Somaliland, iyo ganacsatada ka dalbaday in la gacan qabto, si ay shaqo abuur badan ugu sameeyaan dhallinyarada dalka islamarkaana qashinka nabaaadguurka keena uga badbaadiyaan dalka iyo deegaanka.

Hadii dadweyne iyo dawladaba la garan la’aa si deegaanka looga badbaadiyo halista bacda iyo caagada maanta waxaa la helay jaamiciyiin u baddelay wax-soo-saar tayadu wacan tahay oo dhismaha noocyadiisa kala duwan loo adeegsanayo oo ah mar mar daaraha, barandayaasha, wadada dhinacyadeeda intaba lagu dhisi karo biyaha iyo cadceeduna aanay waxba yeelayn.

Sakariye iyo Jimcaale waxaa ay ku dadaaleen in qashinka dalka inta ugu xun ee deegaanka u daran oo ah Bac iyo Caagado in ay ka dhigaan qalab dhisme oo tayo wanaagsan kana fiican mid kasta oo u eg oo dibad laga keeno, ama laga sameeyo wax kasta oo ka duwan, waxaa ay iyagu ka sameeyeen. “Bulshada waxaa aanu uga baahanahay taageero, waxaa kale oo aanu u baahanahay in dhinaca dhaqaalaha nalaga taageero, si aanu u kordhino wixii aanu soo saaraynay oo aanu u soo saarno waxyaabo ku filan dadweynaha, waxaa aanu doonayna in dawladu ay nala eegto xashiish in laga sameeyo Marmar waa nooc ku cusub Somaliland tayadiisuna aad ayay u wanaagsan tahay, oo wax tayadiisa la odhan karo waa ay hoosaysa maaha, xabbadii ayaa afar kilo ah, dadkii aanu u bandhignay ama aanu u gaynay waa ay qushuuceen, balse mida aanu tabayna ee caqabada nagu ah ee naga dhimani waa agabkii wax lagu soo saarayay oo aanaan heyn, waxaa aanu soo saaristiisa u adeegsana waa Girgire, iyo Foosto, Xaabo, Ciid”

Saleebaan Cali Axmed kana mida soo saaraya marmarka waddaniga ah ee ka sameysan caagadaha iyo bacaha waxaa uu sheegay in islamarka ay soo saaran la isticmaali karo. “Kani waa kii aanu imika soo saarnay daqiiqado kooban ayuu yaalay, waxaanu ku fiican yahay islamarkaa la soo saaro qofku waa uu qaadan karaa oo wuu isticmaali karaa umana baahna in aad sugto ama aad biyo ku shub shubto oo aad waraabiso”

Jimcaale Cabdi Faarax waxaa uu tilmaamay in soo saarista mar mar badan oo bulshadu ay ka dalbatay ay awood u waayeen sababo la xidhiidha agabka ay isticmaalayaan oo yar  “Warshadan imika aanu imika tijaabadeeda ku guuleysanay waxaa ay sameysa marmarka, iyada oo ka sameysa bicihii iyo caagadihii qashinka ahaa  tayo wanaagsan kana qiimo jaban kuwa kale, oo qof danyara iyo ku taajir ahiba ay iibsan karaan, markii aanu bulshadii tusnay marmarka aanu soo saarno iyo tayadiisa waxaa ay nagu yidhaaheen waxaa aanu u baahanahay marmaro fara badan, oo aanu idinka iibsano, balse tii lafteeda noomay suuragelin waayo waxaa lagu waydiinaya boqol mitir isku weer oo kale, marka taasi waanu awoodi kari waynay waayo waxaa aanu u baahanahay qalab aanu wax ku soo saarno, marka waxaa aanu imika rajaynayna in dawladu ay na garab istagto”

Sidoo kale Jimcaale waxaa uu sheegay in hal-abuurkan curdinka ah ee ay la yimaadeen  uu shaqo abuur u noqday carruurta Darbijiirta ah “Cagadahan waxaa noo keena oo soo ururiya carruurta Darbijiifta ah, iyaga ayaanu shaqo abuur uga dhignay oo aanu lacag ku siina soo ururintooda, markii aanu halkan soo buuxinana waanu shiila, kadib markii bacaha iyo caagaduhu biyo noqdaan waxaa aanu ku darnaa ciida dhismaha ee Niista oo aanu shaandheynay intaas kadibna waxaa aanu ku shubna weel aanu ugu talo galnay sidaasi ayaanu ku soo saarna marmarka”

“Bacahan iyo caagadahan iyo qashinkaba waa kuwa aanu marmarka ka samaynayno, caagadahan iyo qashinkani waxaa ay halis ku yihiin caafimaadka bini’aadamka, ka xoolaha, iyo dhinaca degaankaba waxaa aanu marmarka quruxda badan k sameynaana waa bacahaa iyo caagadaha bilicda waddanka wax u dhimayay”Ayuu yidhi Jimcaale Cabdi Faarax, kana mida aasaasayaasha warshada curdinka ah ee Plastic Venture.

Sakariye iyo Jimcaale  waxaa ay si wadda jira baaq ugu direen laamaha kala duwan ee dawlada Somaliland .“Dawlada hoose waxaa aanu ka codsanayna maadaama goobta aanu ku jirno ee aanu ku sameyna mar marka ay kiro tahay dhul aanu ku shaqeyno, aanu ku soo saarno marmar badan, xashiishkii waddanka ku faafilahaa aanu kaga badbaadino islamarkaana aanu u baddeli lahayn mar mar waddaniga, marka dawlada hoose ee Hargeysa waxa aanu si aad iyo aada oo xushmad iyo karaamo leh uga codsanayna in ay na siiyaan dhul aanu ka sameyno xafiisyo iyo goob aanu ku sii waddno qorshaha mustaqbal ee warshadani curdinka ah.

Wasaaraddaha, maalgashiga, ganacsiga iyo warshadaha, deegaanka, waxa aanu ka codsanayna in ciddkasta oo doonaysa in ay wax maalgashadaan ay nagu soo xidhaan, maadama aanu nahay dhallinyaro hal abuura una baahan maalgashi iyo awood dhaqaale in ay si kasta oo ay noo taageeri karaan ay noo taageeraan, madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu ka codsanayna in si kasta oo uu taageero noogu fidin karo uu noogu fidiyo si hankayaga iyo himiladayadu ay u noqoto mid midha dhasha”

Gunti iyo gaba-gabadii Hal-abuurka dhalinyaradani waxaa uu inooga baahan yahay gacan qabasho maaliyadeed, suuq gayn iyo macmiil joogta ah iyo in ay helaan dhul ay warshada mustaqbalka degto.

Leave a Reply