“Hanti-dhawrka Guud Wuxuu u Taaganyahay Ilaalinta Hantida Qaranka” Mr. Sacad Riiraash

0
507

“Hanti-dhawrku shaqadiisa wuu u madax-bannaan yahay”

Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan):- Ku xigeenka Hantidhawraha guud ee Qaranka Sacad Cabdi Cabdillaahi Riiraash, ayaa sheegay in hanta-dhawrka guud ee qaranku uu u madax-bannaan yahay shaqadiisa, isla markaana ay si sax ah oo aan faro gelin lahayn ay u gudan karaan hawshaa ay qaranka masuulka uga yihiin
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay qalabka shaqada lagu qabanayo si weyn ay u horumariyeen, isla markaana ay shaqaalahana aqoontooda kor u qaadeen oo ay dhiseen muddadii uu xilka hayay Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana imika ay awood u leeyihin xafiis ahaan in ay baadhitaano ka sameeyaan dhammaan laamaha dawladda ee dalka.

Hantidhawre Sacad Riiraash oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan waxaa uu meesha ka saaray in ay jirto baahi dhanka shaqaalaha ah oo caqabad ku noqon karta gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ugu horrayn isagoo ka hadlayay siday ugu diyaarsan yihiin in ay laamaha dawladda ee dalka baadhitaano ka samayn karaan, ayaa yidhi. “Horta marka shaqo la qabanayo waxay u baahantahay qalabkeedii lagu qaban lahaa iyo dadkii qaban lahaa oo leh aqoontii shaqada looga baahan yahay, muddo imika waxaanu soo wadnay dib u qalabaynta xafiiska hantidhawrka guud iyo dhammaystirka wixii looga baanhaa in lagu hawl galo, waxaa kale oo aanu wadnay baadhitaano kala duwan iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha oo aanu wixii aqoon xirfadeed ee ay u baahnaayeen aanu u dhammaystirnay, markaa awood buuxda ayaan u leenahay in aanu baadhinaano sugan samayno.”

Hanti dhawre Sacad oo la waydiiyay in ay dabooli karaan baahiyaha shaqaalaha baadhitaanka samaynaya si ay shaqadooda u gudan karaan, ayaa ku jawaabay. “Horta shaqaalaha hanti dhawrku waa kuwa ugu wanaagsan dhanka mushaharka shaqaalaha manta, isla markaana marka ay hawl gal qabanayaan waxaanu siinaa qarash ku filan oo meesha ka saaraya in ay baahiyi qabato sababtoo ah waxay baadhayaan dad gacanta ku haya malaayiin iyo malaayiin markaa nin gaajaysan uma dirno baadhitaan.”

Mar uu ka hadlayay siday ugu madaxbanaan yihiin shaqadooda waxaa uu yidhi. “Hanti dhawrka guud wuu ka madax-bannaan yahay xukuumadda, shaqadayadana si madax-banaan ayaan u gudanaa, isla markaana intii uu xilka hayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi wax faro gelin ah kalamaanu kulmin, saddex arrimood oo shaqadayada muhiim u ah ayaanu haysaan 1- Xeerkii hantidhawrka guud ee qaranka oo dhaqan gal ah ayaanu haysanaa oo aanu ku dhaqanaa. 2. madaxbannaani buuxda ayaanu haysanaa oonu shaqadayada ku gudanaa. 3 Aqoontii shaqaalaha iyo qalabkii aanu u baahnayn na waanu haysannaa markaa shaqadayada sida xeerku jideeyay ayaanu u gudanaa.”

Dhinaca kale Hantidhawrka guud ee qaranka ayaa baadhitaano kala duwan ka wada laamaha dawladda ee dalka waxaanay hore baadhitaano uga soo sameeyeen gobolada Togdheer iyo Saaxil, waxaa kale oo ay baadhinaan ka bilaabeen gudida qandaraasyada qaranka.

Leave a Reply