Khasnajiyada Laamaha Dawladda oo la barayo nidaamka cashuurta waddo marista

0
422

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md Sacad Cali Shire ayaa tabobar u furay qasnajiyadda cashuuraha berriga ee goboladda iyo degmooyinka dalka.

Tabobarkan oo ku saabsanaa Buugga  habraaca nidaamka khasnajiga iyo waajibaadka saaran, waxa sidoo kale hawl-wadeenadan lagu tabobaray nidaamka cashuurta waddo marista ee Road Tax Application ,waxaana tabobarkan soo qaban qaabisay waaxda cashuuraha berriga ee wasaaradda Horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horeyna waxa goobtaas hadalo ku saabsan ujeedada tabobarkan iyo muhiimadiisa ka jeediyey Agaasimaha waaxda Cashuuraha berriga ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland  Cabdisalaan Maxamed Maxamuud iyo ku xigeenkiisa , waxaanay tilmaameen in hawl-wadeenadan looga baahan yahay in ay xil iska saaraan ilaalinta hantida Qaranka, iyaga oo sidoo kalena kula dardaarmay in tabobarkan ay shaqooyinkooda ku dabaqaan markay ku laabtan xafiisyadoodii.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isna goobtas ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada uu tabobarkani lee yahay , isaga oo hawl-wadeenadda tabobarkan ka qayb qaadanaayeyna ku bogaadiyey sida ay ugu soo diyaar garoobeen, waxaanu ku booriyey in waxyaalaha ay barteen ku dabaqaan shaqadooda xafiisyadda

Leave a Reply