Xukuumadda Somaliland oo bilaabaysa dhismaha guryaha shaqaalaha dawladda

0
629

Hargeysa-(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dhulka  iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha dawladda.

Wasiir Qambi ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey qaabka iyo nashqada  ay noqon doonaan guryahaasi, wuxuuna xusay in wasaaraddu diyaarisay dhulkii laga dhisi lahaa guryaasi

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha oo noqonaya markii ugu horaysay ee Somaliland ku dhiirato in guryo loo dhiso shaqaalaha dawladda muddo ku dhaw soddon sanno .

Xukuumaddu Somaliland iyada oo ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u leeyahay qaranka xoojinaysana tayeynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka.

Leave a Reply