Boorama Job Center Oo Maalgelin Ganacsi U Samaynaysa Dhalinyaradda

0
507

Boorama (Dawan): Xarunta shaqo abuurka dhalinyaradda ayaa tartan u qabatay dhalinyaradda magaaladda Boorama.
Tartankaasi oo magaciisa la yidhaahdo tartanka fikradaha hal-abuurka ganacsiga ayaa ah mid ay sanadkiiba mar qabato xarunta Boorama job center.

Xarunta shaqo abuurka ganacsiga dhalinyaradda oo sanadkii hore barnaamijyo shaqo abuur dhalinyaro u samaysay ayaa sanadkan bilawday barnaamij cusub oo ah Daynta wareegta.
Taasoo ay ku taageerayaan ilaa 10 meheradood oo ganacsi oo kala duwan oo ay siiyeen lacago maalgelin ah oo u dhexeeya $500 ilaa $1500.
Sida uu sheegay Ismaaciil Aadan Meecaad, oo ah madaxa xarunta Borama job center.

Halkan Ka Daawo: Munaasibadaasi iyo Hadaladii Laga Jeediyay:


Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply