Maamulaha Dugsiga Gacmadheere oo Daah-furay Barnaamij Wasaaraddu Amartay iyo Waalidiin Soo Dhaweeyay

0
889

Qore Khadar Maxamed Xaashi

Hargeysa (Dawan) Maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Gacma-dheere ee magaalada Hargeysa, Fadxi Axmed Cabdillaahi,ayaa noqday maamulihii ugu horreeyay fulinta amar ka soo baxay wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, amarkaas oo ahaa in dugsiyada dawladda ee Hoose dhexe ee dalka in laga bilaabo waxbarashada dadka waa wayn.

Maamule Fadxi  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay noqdeen dugsigii ugu horreeyay ee fuliyay amarka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare isla markaana ay durba dugsiga ka soo xaadireen 90 Haween hooyooyin ah oo u baahan in  ay waxbartaan.

Waxaanu intaa raaciyay in  waxbarashadu aanayu d’ ku xidhnayn isla markaana aanay kala lahayn dad waawayn iyo dhallaan qof kastaana xilli kasta uu waxbaran aro.

Maamule Fadxi oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi.“Waxaa aanu daahfuraynaa  waxbarashada dadka waa weyn, taasi ay muhiim tahay in dadka waa weyni ay wax baran karaan, islamarkaana aanay waxbarashadu yaraan iyo weynaan toona laheyn, haddaba wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland iyada oo ka duuleysa, in ay  dadka waa weyn laftooda masuul ka tahay ayaa waxaa uu wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland na amray dhammaan maamuleyaasha dugsiyada in galinka horena ardaydu wax bartaan ka danbena wax lagu baro dadka aan fursadaha u helin in ay waxbartaan.

Marka anigu ka maamule Gacme-dheere ahaan waxaa aan ku wargeliyay waalidiiinta ubadkoodu halkan wax ka bartaan in dugsigii aanu ka bilaabayno waxbarashada dadban ee dadka waa weyn, marka  waa in  ciddii ka faa’ideysanaysa ay timaado, waanay yimaadeen oo maantaba(shalay) 90 Haween ah ayaa goobtan wax ku baranaya, ujeedada aanu wax u baraynaana waxaay tahay sidii Hooyo  kastaa ilmaheeda iyadu macalin ugu noqon lahayd”

Maamule Fadxi  oo bushaaro wayn u diray hooyooyuinka ka aflaxa waxbarashada ee jaaniska ka faa’iideeya,ayaa yidhi.“Waxaan ballan qaadaya in haweenka goobtan waxbarahada u yimi kuwooda guuleysta ee waxbarashada ka gun-gaadha in aan ka dhigi doono barayaasha dugsiga hoose dhexe ee Gacma-dheere ee magaalada Hargeysa, waxaa kale oo aan doonayaa in aanu dhisno aqoontooda, khibradooda iyo mustaqbalkooda dhinaca waxbarashada Hooyooyinka iyo Hablaha goobtan wax ku baranaya”

Marwo Sahra Ibraahim Cabdillaahi oo ka mid ah hooyooyinka waxbarashada dadka waa wayn looga bilaabay dugsiga hoose dhexe ee Gacma-dheere ayaa tidhi. “Aad ayaan u soo dhaweynayaa waxbarashada dadka waa weyn ee maanta(shalay) naloo daahfuray, sababtoo ah Hooyo maanta dareenkeeda ILLAAHEY ayaa og, ilmaheeda buuga iyo qalinka sita mar haddii aanay odhaneyn Hooyo maanta maxaa lagu soo dhigay? Halkeed mareysa? Halkay wax marayaan? Haddii aanay Hooyadii odhanaynin horta dareenkeeda ILLAAHEY uunbaa og.

Hooyooyiinka  dugsiga hoose dhexe ee Gacma dheere  isugu yimi waxaan leeyahay u samra waxbarashaa aad maanta bilowdeen, waa muddo gaaban inta aad waxbaraneysaan, in waxbarashadii cidina aanay waxba idiin sheegin, hadday xisaab tahay, hadday luuqada Afka Hooyo ee Soomaaliga tahay, iyo haddii ay barashada culuunta Diinta Islaamka ay tahayba, waana muhiim in aad ilmihii wax la akhrido, sabuurada wax ugu qorto higaadii aad barto,marka ballankeenu waa in aynu dadaalno”

Halkan ka Daawo

 

Maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Gacma-dheere ee magaalada Hargeysa, Fadxi Axmed Cabdillaahi,ayaa noqday maamulihii ugu horreeyay fulinta amar ka soo baxay wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland,amarkaas oo ahaa in dugsiyada dawladda ee Hoose dhexe ee dalka in laga bilaabo waxbarashada dadka waawayn.

Leave a Reply