Isgarabsiga Somaliland iyo Taiwan ee Caafimaadka

0
525

Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iskaashi dhinaca Caafimaadka ah la yeelanaysa dawladda Taiwan ka dib markii xidhiidhka labada dal kor u kacay mudooyinkii danbe.

 

Wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka oo ay weheliyaan, Agaasimaha Guud iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Safiirka iyo masuuliyiinta Safaaradda dalka Taiwan ay ku leedahay Magaalada hargeysa. labada dhinaca ay iskaga waraysteen sidii la iskaga kaashan lahaa adeega caafimaad ee labada dal.

 

Sidoo kale, masuuliyiinta Safaaradda ayaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ku wareejiyay agab iyo daawooyinka kahortaga iyo daawaynta xanuunka Coronavirus.

 

Madaxweynaha dalka Taiwan, Mrs. Tsai Ing-wen, ayaa hore u sheegtay inay ka go’an tahay dalkeeda inay Somaliland kala shaqeyso Arrimaha Beeraha, Kallumaysiga, Macdanta, Caafimaadka, Tamarta, Waxbarashada .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa bishan ay ku jrno sheegay in Cilaaqaadka ay la yeesheen Taiwan aanu dalna  duullimaad ku ahayn, wuxuuna tilmaamay in labada waddan ay wadaagaan Arrimaha Dimuqraadiyadda, siyaasadda iyo xoriyadda ganacsiga.

Leave a Reply