Gacanteeda Ayay Goysay Si Magdhow Loo Siiyo!

0
445

Maxkamad ku taala dalka Slovenia ayaa Todobaadkii hore ku xukuntay  laba sano oo xabsi ah gabadh 22 jir ah oo si badheedh ah gacanta iskaga jartay miinshaar wareeg ah si ay u sameyso sheegasho ceymis been abuur ah oo lagu siiyo lacag magdhow ah.

Maxkamadda degmada ee Ljubljana ayaa sheegtay in gabadha Julija Adlesic ay ninkeeda kula heshiisay in gacanteeda bidix laga gooyo curcurka iyagoo gurigooda jooga kaasi oo ku yaal caas

Gabadhan ayaa la sheegay in hal sano ka hor, ay qandaraasyo la sexeexatay shan shirkadood oo caymis oo kala duwan, sida maxkamadu cadaysay iyadoo doonaysay inay mid kasta ka qaadato magdhowga gacanta.

Gabadhan  ayaa hore uga qaadatay shirkadaha lacag ka badan 1 milyan oo euro, iyadoo kala badh  isla markiiba la siiyay inta soo hadhayn ay bil walba si joogto ah.

Ninkeeda ayaa lagu xukumay saddex sano oo xadhig ah halka aabihiina lagu riday xukun hal sano ah oo ganaax ah, sida ay daabacday warsidaha “abcnews.go.com” oo Dawan ka soo xigatay.

Aabaha iyo ninka gabadha u qaaday isbitaalka, iyagoo sheegay inay isu  dhaawacday si kama’ ah. Maamulka Ibitaalka ayaa sheegay in ay ka yimaadeen gacantii ay goysay halkii ay ka keeni lahaayeen isbitaalka si loo hubiyo in naafanimada gacantu ay tahay mid joogto ah iyo in xa kale loo heli karo.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in maalmo ka hor dhacdadan, lammaanahani ay  ka raadiyeen macluumaad internetka kaasi oo ku saabsanaa sida gacmaha macmalka ah u shaqeeyaan. Waxaana ay doodeen inay  tani ay caddeynayso in si ula kac ah loo sameeyay.

mudadii ay  socotey dacwada, haweeneyda ayaa sheegatay in aanay wax dambi ah laheyn, iyana in aanay gacanteeda si ula kac u goyn.
“Qofna ma doonayo inuu naafo noqdo,” ayay gabadhani kaga dooday maxakmadda.  Maxkamadaynta ayaa soo jiidatay in badan oo dadweynaha iyo warbaahinta gobolka yar ee Alpine.  Shirkadaha caymiska ayaa maalgelin siiya macaamiishooda kolka uu dhaawac soo gaadho ama ay hanti ka burburto. Garsoore Marjeta Dvornik oo iyana ka tirsan garsoorayaasha ayaa tidhi :” Waxaan rumeysanahay in xukunnadu ay yihiin kuwo cadaalad ah oo ku habboon,”.

 

Leave a Reply