Jacaylka Hooyada Iyo Dareenka Ilmaheeda!

0
504

Wiil yar oo hooyadii dhimatay, ayuu aabihii guursaday gabadh kale. Maalin ayuu wiilkaasi Odaygu weydiiyay hooydiisii hore iyo hooyadan imika waxa u dhexeeya ? Wiilka yar ayaa ku jawaabay hooyadaydii idhashay waxay ahayd beenalay, laakiin hooyyadan imika runta ayay sheegtaa.

Aabaha ayaa yaabay oo ku yidhi oo maxaad uga jeedaa? wiilka yar ayaa yidhi:” markaan soo ciyaaro way cadhoon jirtay hooyadii ii idhashay  waxayna odhan jirtay hadii aanad iska dayn ciyaartan, cunto danbe ku siin maayo”.

 

Lakiin waan iska ciyaari jiray, waxay iga soo raadin jirtay goobta ciyaarta waana ay isoo kaxayn jirtay oo guriga I keeni jirtay, markiiba  waxay isiin jirtay cunto.  Hooyadan  cusubina waxay tidhi haddii aanad joojin ciyaarta kuma siinayo cunto. Waana ay kaga dhabaysay hada waan gaajoonaya maanta oo dhan waxba ma cunin.  Aabaha ayaa ogaaday farqiga u dhexeeya labada hooyo, hoooyadii wiilkiisa yar dhashay ayaa gabadhan cusub ee uu guursaday. Akhriste ogow dareenka naxariista hooyada.

Leave a Reply