Guddoomiyaha Solja oo ka Hadlay waxyabihi u Qabsoomay iyo Higsiga Ururka

0
401

Qore:Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan): Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto.ayaa k hadlay waxyaabihii u qabsoomay ururka Solja intii ay hoggaanka uu hayay iyo waxaay higsanayaan.

Guddoomiye Xuuto.ayaa sheegay in ay culayska saareen laba arrimood oo muhiim u ah saxaafadda iyo saxafiyiinta.

Labadaa qodob ayuu ku sheegay in ay kala yihiin xallinta dacwadaha ka dhanka ah saxaafadda iyo kor u qaadista aqoonta wariyeyaasha.

Waxaanu  yidhi.”waxyaabaha ugu waawayn ee  noo qabsoomay waxaa  ka .id ah in aa u kor u qaadnay aqoonta wariyeyaasha oo aanu gobolada dalka oo dhan aanu tabarro ku qabanay iyo in aanu diiwaan gelinay dhammaan wariyeyaasha ka hawl gala Somaliland waxaa kale oo aanu ku dedalnay in aanu wax ka qabano dacwadaha loo haysto saxafiyiinta iyo hay.addaha warbaahint oo aanu inta badan dibedda ku dhamayno wixii intaa dheerna aan ku qancino cidda dacwoonaysa in ay sharciga u marto.waxaa kale oo aanu jaamacadda Hargeysa ka bilawnay kuliydda Saxaafadda oo laba qaybood k bexeen laba kalena imika ku jiraan.”

Guddoomiye Xuuto oo ka hadlayay dacwdaha aymarkasta wariyeyaashu la kulmaan  dhanka.uu qalalaadku ka yimaado.ayaa yidhi.”inta badan markaad eegto dacwadaha wariyeyaasha loo qabto ama lagu eedeeyo qaladku dhankoda ayu ka yimada.waxaanan maalin kasta wajibax kala kulana qof qaldan oonu u doodayno.taana waxyaabo badan ayaa sabab u ah oo ay ka mid tahay masuuliyiinta oon wariyeyaasha aan u waramayn inkastoo war la.aanta madaxda ay jiraan sababo keenay oo ah warkii oo noqday mid lacag lgu doonayo oo aanu masuulku hadli karin haddii aanu ku talo gelin warka lacagtisa.”

Mar uu k hadlyay sida loogu baahan yahay in Solja ay  noqoto Dallad guud isla.markaana la helo ururo kala.duwan oo xirfadleyaal ah oo hoosyimaadda Solja .ayuu yidhi. “Horena fikirka ah in Solja ay dallad guud noqotq way u jirtay imikana waxaan qabaa in loo baahanyahay inSolja ay Dalld noqoto taasina waxay u baahantahay in dawladdu ay ururada saafadda iyo suxufiyiinta inay diiwaan giso oo ay sharciyayso una ogolaato in ururo ay samaysan karaan si baahiyah wariyeyaashu y qabaan hay.addo badan oo kala. Duwani uga shaqayn karaan.”

Mar uu ka hadlayay xidhiidhada Solja Caalamka la.leedahay ayuu tilmaamay in ay wada shaqayn weyn la leeyiniin hay.addo badan oo kala duwan oo yurub iyo maraynka ah iyo kuwa qrmada midoobay isla markaana imika ay ka qayb geli lahaayeen shir wayn oo caalamiya oo Holland ka qabsoomayay laakiinb uu safarkoodii baajiyay xanuunka covid 19 ka ee caalamka ku faafay isla markaana dunida kala.xidhay

Leave a Reply