Hamiga Iyo Heshiiska Guulaystay !

0
506

Hogaamiyahii kooxihii dagaalkii sokeeye xooga badnaa eek u dhamaaday in aanan la kala guulaysan Mr.Gorge Washington, ayaa markii laga heshiiyay joojinta dagaaladii sokeeye go’aamiyay in la dhiso dal cusub oo leh xuduudo u gaar ah. Waxaana uu noqday gudoomiyaha gudida qoraysay mid ka mid ah dastuurada dunida ugu weyn ugun cimriga dheer , dadaalkaasi oo la sheegay inuu si adag ugu dhiiraday.

 

Gorge Washington aya soo shaac baxay ka dib dhamaadkii dagaalkii sokeey oo uu ka ahaa hogaamiye, dhamaantooda dadku waxay u arkayeen hogaamiye weyn oo ka tirsan. Waxayna jeclaayeen inay u caleemo saraan dalka cusub hogaankiisa. Washington ayaa doorbiday inuu iska casilo xilkii hogaanka ciidanka ee dagaalyahandii si uu seeska ugu dhigo jamhuuriyadda cusub ee dhalatay sanadkii 1794 loona bixiyay Jamhuuiriyadda federaalka Maraykanka.

 

Gorge Washington wuxu noqday madaxweynaha Maraykan sanadkii 1789, iyadoo laba door oo isku xigana la doortay , waxaan uu noqday madaxweynihii seeska u dhigay ilaa wakhtigan in dalka Maraykan hogaankiisa  lagu kala wareego doorashooyin xor ah ka dib markii boqortooyinka iyo dadkii awooda ciidanka haystay laga xoreeyay,

Washington iyo dadkii wakhtigaasi la noolaa waxay colaadii iyo dagaaladii ka doorteen inay dhisaan Jamhuuriyad xoog ah oo dunida u hogaamisa, waana ay ku guulaysteen, waxay dhiseen dawladda Maraykan oo maanta dhaqaale iyo cudud ciidanba dunida hogaamisa. Hami kasta iyo fikrada kasta waa lagu guulaysan k,araa marka ay u midoobaan dadka go’aank,a wada gaadhay, isla markaana ay dhinaca guusha u wada socdaan.

Leave a Reply