Wajaale : Afar Qof oo ku Dhintay Dhisme Ku Dumay

0
531

Wajaale-(Dawan)- Alle ha u naxariistee Afar Qof ayaa ku geeriyooday 11 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii uu shalay galab ku soo dumay dhisme Bakhaar ah oo ay ka shaqaynayeen oo ku yaala Tog-Wajaale.

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye oo ku sugan Magaaladda Wajaale ayaa sheegay in afarta qof ee dhimatay uu ku jiro Mulkiilihii lahaa dhismaha Gurigaasi dumay, waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay in dadkii ku dhaawacmay dhismahaasi la geeyay Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Gebilay oo haatan lagu dabiibayo.

 

 

Ciidanka Dab-demiska Degmada Tog-wajaale ayaa kaalin weyn ka qaatay ku hawlgalka  daad-guraynta dhaawaca iyo dhimashada ee dhismaha dumay .

 

 

Leave a Reply