“Waxa loo baahanyahay  sharciyo cusub oo lagaga hortegayo kharbudaada siyaasaddeed ee Soomaaliya kula kacayso Somaliland”UXQJSL

0
492
Ururka Xoojinta Qaranimada JSL, ayaa ku baaqay in la joojiyo wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay wali Dawladda Xamar sii wado metelaada been ku samayska ah ee ay u xusho dadka caloolshooda u shaqaysteyaasha ah ee lagu sheego in ay Somaliland ugu jiraan Hay’addaha dawladda ee dalkeeda.
Heshiis ay todobaadkan Madaxda dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul-goboleedyada hoos tagaa ka gaadheen arrimaha Doorashooyinka dalkooda, ayaa lagu soo daray qodob khuseeya qaabka loo dooranayo Xildhibaannada goleyaasha dalkaasi ku metelaya Somaliland, taasoo ah qayb ka ahayd nidaamka riyada ku dhisan ee ka jiray dalkaasi todobanaankii sannadood ee maamullada loogu dhisayey gudaha iyo dibada.
Ibrahim xasan oo xubin ka ah Ururka UXQS, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga hadlay xad-gudubyada Maamulka Xamar ku hayo Somaliland, waxaanu ku booriyey  xukuumada Jamhuuriyada Somaliland inay  joojiso  wadahadalada ka dhexeeya Soomaaliya.
“koll haddii Soomaaliya ay sheeganayso in xubno ay ku sheegto inay Somaliland ka soo jeedaan ka mid yihiin Baarlamaankeeda , Xukuumadeeda  iyo  Maxakamadaheeda ,kuna sheegayaan inay mataalan Jamhuuriyada Somaliland,taasi waxay xad gudub ku tahay  madax banaanida Somaliland,waxaanay  ula jeedaa inay Jamhuuriyada Somaliland tahay waxaan jirin oo ay ka mid tahay Soomaaliya ( Ex koonfur). dhaqanka caynkaasi waa wax lagu qoslo oo laga yaqyaqsoodo,waana dagaal siyaasadeed oo ujeedada ay ka leeyihiin tahay inay is hortaagaan aqoonsiga Somaliland.”
Waxa kale oo ay meel kaga dhacayaan sharafta ,magaca iyo Masiirka Dalka JSL .
Falka caynkaas ee leh khatarta siyaasadeed, waa wax in badan Soo jiray oo ahayd inaynu mar hore meesha ka saarno.”ayuu raaciyey qoraalkiisa.
Ibraahim oo hadalkiisa sii wataa Wuxuu soo jeediyey in labada aqal ee  Jamhuuriyada Somaliland  ka doodaan natiijada ka dhalan karta khatartan siyaasadeed iyo handadaada Maamulka Soomaaliya ku hayo jiritaanka iyo  madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.
“waxaa loo baahanyahay  sharciyo cusub oo lagaga hortegayo kharbudaada siyaasadeed ee Soomaaliya kula kacayso Somaliland dhinac walba, si loo ilaaliyo loona difaaco  qaranimada Somaliland, meeshana looga saaro  wax alaale iyo wixii Somaliland  dhib iyo cadaawad  u keenaya  haday tahay siyaasad ,  bulsho iyo  dhaqaale.”
Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland oo Isniintii todobaadkan soo saartay beyaan, ayaa beesha Caalamka, Qaramada midoobay iyo dalalka caalamka u bandhigtay daan-daansiga iyo xad-gudubyada Maamulka Soomaaliya ku hayo dalkeeda.

Leave a Reply