Xukuumadda oo Hal milyan kaga iibsanaysa dalagyada u soo go’a Beeralayda

0
556

Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay hal milyan oo doolar kaga iibsanayso dalagyada usoo go’a beeralayda dalka .

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed oo ka hadlaayey Shirwaynaha Horumarinta Qaranka ayaa sheegay in arrinta ay u sameyeen si ay u dhiirigelinayaan beeralayda dalka si looga maarmo cuntooyinka debadda ka yimaada dalku isku filnaan u gaadho.

“Talaabooyinka aanu qaadnay si aanu u dhiiri-gelino wax soo saarka waxa ka mid ah in aanu beeralayda dalka aanu u qoondenay in aan hal milyan oo doolar kaga iibsano dalagyada u soo go’a, maxaa yeelay waxa aan doonnaynaa in dalkeenu uu noqdo mid ku tiirsan wax soo saarka gudaha oo aanu ka maarano ku tiirsanaanta raashiinka dibada laga soo waarido.” ayuu yidhi

Leave a Reply