Sanaag: Deegaan Harraadane ah oo loo qodayo Ceel-biyood Riig ah

0
590
Qore. Saleebaan Kalshaale
Shurko(Dawan)-Tuullad Shurko oo ka tirsan gobolka Sanaag, ayaa waxa lagu daah-furay Ceel-biyood laga samaynayo Deegaanka Dooxda Dabablehe oo ka tirsan Degmada Ceerigaabo, kaasoo isla markii la dhagax-dhigayba shaqadiisu bilaabantay.
Deegaanka laga hirgelinayo mashruucan, ayaa kamid ahaa deegaamo ay bilihii la soo dhaafay Wasaaradda Horumarinta Biyuhu qiimaysay baahiyahooda dhanka biyaha, kuwaasoo qaarkood laga hirgeliyey ilo-biyood, kuwana hadda qorshe loo sameeyey.
Ceelkan Riigga ah oo ay maal-gelisay Hay’adda Save the Children, fulinaysana wasaaradda horumarinta Biyaha JSL, ayaa waraabin doona deegaan aad u balaadhan oo aan lahayn il biyood oo kale, sida ay sheegeen waxgaradka iyo masuuliyiinta deegaankaasi.
Munaasibad lagu daah-furay mashruucan, waxa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sanaag, Maayirka Degmada Ceerigaabo, saraakiil ka socday Hay’adda maal-gelisay, waxgarad iyo dadweynaha Deegaanka.
Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay saraakiil ka socday Hay’adda Save the Children oo faahfaahin ka bixiyey mashruucan iyo marxaladihii uu soo maray, iyagoo sheegay in Wasaaradda Biyuhu ka codsatay in deg deg loo hirgeliyo Riiggan. “wuxuu yidhi Agaasimuhu ceelka wuu naga soo daahay, Toban cisho gudahood ayeynu haddii alle ka dhigo ku soo saari doonaa Biyaha oo burqanaya, saddex bilood kaddibna waxa la dhamaystirayaa wixii ka dhiman, bisha January ee sanadka soo socda ceelkaa waa laga cabayaa  haddii aan wax xumaan” ayuu yidhi Maxamuud Maxamed Xasan oo ka mida madaxda Hay’adda Save the Children.
Waayeelka iyo Waxgaradka Deegaanka Dabablehe ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyey hirgelinta Ceelkan Riigga ah.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Sanaag Sheikh Maxamed Axmed Cabdalle, Maayirka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo xubno kale oo isugu jira saraakiisha Wasaaradda Biyaha iyo laamaha kale ee Dawladda oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani wax weyn ka tari doono baahiyaha dhinaca biyaha ee ka jiray deegaankaasi, waxaanay u mahad-celiyeen Wasaaradda horumarinta  Biyaha oo diyaarisay qorshaha qodista ceelkan iyo Hay’adda Save the Children ee maal-gelisay.
Maayirka Ceerigaabo Ismaacii Xaaji Nuur, ayaa tilmaamay in ay tahay markii ugu horaysay ee ay Dawlad iyo Hay’ad samo-fal oo wada socdaa keenaan mashruuc daah-furkiisa iyo bilowgiisu wada socdaan “may dhici jirin wefti dawladdeed iyo Hay’addeed oo wada socda oo Riiggiina daba socdo oo tani waa Kow. awal hore dhagaxbaa la dhigi jiray, dhagaxa marka la dhigana amma waa la heli jiray amma waa la waayi jiray”ayuu yidhi Maayirka oo si weyn ugu mahad-naqay madaxda Wasaaradda Biyaha.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Biyaha Axmed Cabdi Ismaaciil oo gebgebadii munaasibada ka hadlay, ayaa ka warbixiyey qorshihii uu Ceelkan Riigga ahi ku yimi  “Deegaanka Shurko wuxuu kamid ahaa baahiyaha qaranka u qoran ee Biyaha, cid idin ilowday may jirin, Ololle gaar ahina ma jirin ee waxa jiray in baahida cidi kuu soo sheegi karto. sanadka qaybtiisii hore waxaanu qiimeyn ku samaynay baahiyaha dalka ka jira Bari ilaa galbeed waanu soo wada marnay.
baahiyaha aanu soo uruurrinana waxaan la kaashanaa jeebka qarankeena amma jeebka cida aynu iscaawimo oo ay Hay’addan Save the Children kamid tahay”ayuu yidhi Agaasimuhu isagoo sharaxaad ka bixinayey siyaasadda Wasaaraddiisa ku wajahan kobcinta ilaha Biyaha Qaranka iyo ka jawaabista baahiyaha deegaamada dalka.
Dhawaan ayey ahayd markii wefti uu hogaaminayo Agaasimaha guud mashaariic biyood ka dhagax-dhigeen Deegaamo ka tirsan gobolada Sanaag, Badhan iyo Sool, iyadoo tan iyo bilowgii sanadkan 2020 uu hogaaminayey Agaasime Axmed Cabdi Ismaaciil barmaamujyo horumarinta Biyaha khuseeya oo dalka ka socda.

Leave a Reply