Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland oo  soo xidhay Shirwaynaha Horumarinta Qaranka

0
586

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa soo xidhay shirweynaha horumarinta Qaranka oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ka socday magaalada Hargeysa, ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirweynahaasi ayaa ahaa mid lagaga tashanayay halka ay Somaliland ka taagan tahay ajandaha uu adduunku hiigsano ee 2030-ka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Adduunka waxaa ka socda dadaalo fara badan oo mushtamaca ku nool wax lagaga baddelayo noloshooda markastana hiigsigu yahay in halka joogo meelka sareysa la gaadhsiiyo, inaguna bulshaddaasi ayaanu ka mid nahay dal curdina oo soo koraya ayaynu nahay, ujeedada ugu weynina waxaa weeyi sidii aan umadeena horumarka aan hiigsaneyno u gaadhsiin lahayn, sida caafimaadka, deegaanka, tamarta, intaasi oo iskuwada xidhan oo aanu midna mid ka maarmi karin”

Leave a Reply